Dr. Cali Yuusuf Oo Dawladda Ugu Baaqay Inay U Gurmato Gobalka Hawd

0
595

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka dayriyay xaalad abaareed oo ka jirta gobalka Hawd, waxaanu sheegay inuu booyado biyo ah si shakhsi ah u gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadkaas, isagoo dawladana ugu baaqay inay gobalkaas u gumrato, waxaanu xusay inaanay gobalkaas gurmad u dirin weli.

??????????????????????

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay socdaal uu ku tagay deegano badan oo ka tirsan Gobolka Hawd, ,waxaanu sheegay inuu halkaas ku soo arkay dhibaatooyin aad u xun oo abaareed , "Waxaan tagay Gobolka Hawd tuulooyin ka mid ah run ahaantii aad iyo aad ayey u liitaan dadkaasi, beerka ayaa ku xanuunaya marka aad aragto dadkaas iyo xoolahooda, Lo'dii wax yar baa ka nool, waxaan ku soo arkay Lo xeryihii ay ku jireen aan ka bixin, halkaasna wax lagu siiyo oo wax loo hayaa aanay jirin, kuwa la foofiyo oo iyagu u itaal daran wax ay banaanka ka cunaan ma jiraan, ooda ayey isku dayaan inay cunaan, kuwa iyaguna aan xeryaha ka bixin waa kuwa aan kici karin oo aad iyo aad u liita, wax gacanta lagu hayo oo cunto loo siiyaana ma jiraan, haddii laga tagi waayo xoogay yar oo arabikhiya oo Xoolaha iyo dadweynuhu qaybsadaan ayaa xeryaha lagu siiya".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey deegaanada uu maray ayaa yidhi "Xagga Biyaha dadka iyo xooluhuba way ooman yihiin, biyo dhaamis baa lagu jiraa, anigu tuulooyinka aan maray waxa ka mid ahaa Cuna-qabad, Masaajidka, Bargoo, Gumar iyo deegaano badan oo kale, intaas oo dhami way biyo la'aayeen, inkasta oo itaalka qofku iska yar yahay, dhawr booyadood ayaan siiyey, Tuulooyinka mid aan booyad siiyo iyo mid aan mid siiyo intaas ayaan kaga qayb galay".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu Xukuumadda ugu baaqayey inay u gurmato dadka degan deegaanada Gobolka Hawd ee ay abaartu hayso ayaa yidhi "Goboka Hawd Xagga Dawladda wax ka soo gaadhay ma jirto,  Gobolo badan oo Waqooyiga iyo Galbeedka oo loo gurmaday, ayaa jira, Gobolka Hawd Xukuumadda iyo Dawladda wali wuu sugayaa, waxa aan rajaynayaa inay Xukuumaddu si wanaagsan uga jawaabto oo baahida iyo abaaraha haysta dadka Gobolka Hawd, baahida ILLAAHAY ayaa tiri kara laakiin dadkii aad ayey u jilicsan yihiin, in la caawiyana waa loo baahan yahay"