Doorka Agaasimaha Guud Iyo Hufnaanta Shaqada

3
3386

W/Q Ubax Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Guud waxaa uu udub dhaxaad u yahay habsami u socodka shaqadda ha’yaddaha ama Wasaaraddaha dawladda ee uu joogo/joogto, waana mashiinka wareejiya dhamaan fulinta hawl maalmeedka shaqo ee ha’yadaas ama wasaaradaasi fulinayso. Taas oo qayb wayn ka ciyaaraysa fulinta

siyaasadaha  iyo hiigsiga dawladda.  Haddaba,  tayo (Quality) noocee ah ayaa looga baahan yahay in uu lahaado/lahaato Agaasinka guud ee Wasaarad ama Ha’yad dawladeed

  1. Qof aqoon ahaan dhisan ( Academic Background);
  2. Khibrad u leh shaqadda ama hawsha loo igmanaayo ( Work Experience);
  3. Leh awood hogaamineed iyo mid maamul labadaba (Leadership and

Managerial Skills);

  1. Ay ka go’an tahay shaqada uu u hayo qarankiisa iyo dadkiisa

(Commitment);

  1. Diyaarna u ah in uu qaranka u adeego isagoo fulinaaya shuruucda

dalka. I.W.M (Implementation of policies and regulations)

Hadaba, Mudadii  ay Soomaliland soo jirtay waxay soo maraysay maraaxil kala duwan oo mid waliba waayaheeda xanbaarsanaa kuna dhisnaa, nidaamka qabiilaysiga ,  taas oo sabab u noqotay in hawl wadeenadda Ha’yadaha iyo Wasaradaha dawladdu noqdaan kuwo aan aqoon ahaan loo meel dayin laguna soo xulan, balse ku yimaada nidaam maslaxad loo arko,  lana ilduufo muhiimada aan sare ku soo xusnay.

Sidoo kale,  waxaa la ogaaday in  Isbadbadalka badani uu ragaadiyay horumarka iyo habsami u socodka hawlaha dawladda iyo dhamaan hirgalinta nidaamyadeeda, taas oo ay ka dhalato in Agaasime Guud oo kastaa ay wakhti ku qaadato laqabsashadda Ha’yadda ama Wasaaradda la keenay,  hadaba si looga hortago dib u dhacyadda hirgalinta hanaanka hufan iyo shuruucda,  loona yareeyo isbadbadalka faraha ka baxay (Consecutive change) taas oo dhaxal siisay in  ay meesha  ka baxdo cidii xogta haysay *(institutional memory) , *waxaa dalku u baahan yahay in marka hore loo meeldayo nidaamka loo maraayo  Agaasimayaasha guud xulistooda ama doorashadooda.

Hadaba,  maadama oo aqoonta umadeenu marba marka ka danbaysa ay kor u kacayso sidoo kale ay jiraan dad badan oo waayo aragnimadii iyo aqoontiiba maanta xanbaarsani, waxa lagama maarmaan ah in laga faaidaysto dadkaas, si horumar la taaban karo oo wax-ku-ool ah loo gaadho, loona helo Hay’ado dawladeed oo awood ahaan dhisan, adeega bulshadu u baahan tahayna gaadhsiiya.

Sidaa daraadeed, si loo helo nidaam shaqo oo hufan iyo adeeg bixin tayo leh kuna dhisan dawlad wanaag iyo laxisaabtan,   waxaa gundhig u noqonaaya oo loo baahan yahay In Agaasimayaasha guud lagu keeno labadan nidaam ee hoos ku qoran mid ahaan:-

 

* In *agaasimaha guud loo* eego aqoon, karti iyo khirbrad sida aan kor

ku soo xusay. Lagana qaado imtixaan dhamaan u furan muwaadininta

Somaliland,  kadibna cidii soo baxda ama guulaystaha lagu soo saaro

digreeto madaxwaye.  (*Nidaamkan oo dhiirigalin u noqonaya qofkasta

oo qarankan u shaqeeya ama wax u barta gaar ahaan.   Guud ahaana,

dib u soo celinaysa qiimihii aqooneed,  kudayasho fiican u noqon

doonta da’yarta naawilaysa in ay bari umadan iyo dalkan maamulaan) *

* In Agaasimaha Guud ku yimaado nidaamka qabiilka ee maslaxada loo

arko balse aqoontii iyo khirbradiiba la dhiiri galiyo oo lagu qaato

aqoon iyo waayo aragnimo.  Balse aanay israacin*QIBIIL IYO AQOON DARO!*

*/Gabogabadii, Agaasimaha Guud waa Muraayadda Wasaarad ama Ha’yadi ay

leedahay iskuna dubarida dhamaan shaqooyinka xafiisyadda,  waxaana

lagama maarmaan ah in lagu soo doorto aqoon iyo waayo aragnimo ay

hogaamini ku dheehan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here