“Doorashooyinkii Hore Qabiil Waxba Laguma Dooran Kan Aynu Imika Joogno Waa Ka Kaliyaata Ee Lagu Doortay Qabiil”

0
866

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay hoggaamiye qaab qabyaaladeed dalka ku yimid.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhalinyarada dalka ugu baaqay inay meesha ka saaraan qabiil ku wada shaqaynta oo ay ku badalaan mabda’ waxaanu aad u dhaliilay fikrado ay madaxda Somaliland soo martay aaminsanaayeen oo uu ku tilmaamay kuwo aan lagula shaqayn karin.

Maxamed Xaashi oo shalay warbaahinta la hadlaayay ugu horayntii waxa uu yidhi”Doorashooyinkii hore qabiil waxba laguma dooranayn kii Cabdiraxmaan ee Burco ayaa u horeeyay qabiil laguma dooran, kii Cigaal baa ku xigay qabiil laguma dooran, kan aynu imika joogno waa ka kaliyaata ee lagu doortay qabiil oo inta gar adag lagu shiray ayaa la yidhi haddaanu reer hebel nahay ninkaas ayaanu wadnaa ee ninkaas hanaloo doorto, qabiilkii waxaad moodaa inuu aad inoo xulay, nasiib darooyinka ayay ka mid tahay laakiin waxaanu rajaynaynaa in da’yarta ay ka baxdo qabiilka oo danta umadu waxay ku jirtaa in mabda’ lagu shaqeeyo.”

Waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi dhaliilay gudida ictiraaf raadinta loo magacaabay oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan wax guul ah keenayn, marka la eego dhanka ay u jihaysan yihiin oo ah Somaliya oo ay Somaliland kala baxeen.

Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ku tilmaamay hogaamiyayaasha Somaliland soo maray kuwo hantida dalka iyagu iska leh isla markaasna sharciga ka sareeya waxaa isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Madaxweynuu marka la magacaabo ee uu dhaarto waxa uu kolkiiba ku dhaqaaqaa inuu hantida umada isagu leeyahay,waxa uu u qabaa inuu dastuurka ka sareeyo oo kolba meel ayuu ku dhufanayaa, ta saddexaad waxa uu qabaa haddii aad rayigiisa ka duwanaato inaad col tihiin, saddexdaas shay oo aan lagula heshiinayn ayay leeyihiin, dalkani waxa uu u baahan yahay in la eego intee shaqo la, inta shaqaysa waxay qaataan ma ku filan yahay, miyaa loo waayay, mise wax kale ayaa lagu bixinayaa.”