“Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah Waa In La Helo, Haddii La Waayana Halaga Tashado”Mujaahdi Ibraahim Dhegaweyne

0
804

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay hoos u dhigtay heerkii ay taagnayd siyaasada arrimaha dibadda Somaliland, isagoo ku taliyay in ololaha siyaasadeed la joojiyo, mar haddii ay dalka abaar adagi ka jirto.

1

Mujaahid Dhegaweyne oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay inay muhiimtahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah, haddii kalena laga tashado. Mujaahidka oo ka hadlaya sicir bararka iyo abaaraha, wuxuu yidhi “Waxaan maqlayay dadweynihii oo cabaadayay oo leh abaar waxa ina haysa dawladu abuurtay oo sicir barar ah iyo abaartii Illaahay. Marka laba abaarood mid bini-aadamku gacantiisa ku samaysto oo uu ilaalin kari waayo lacagtiisii waa mid subxaanale oo dadku wax alaale iyo wax ay iibsadaan subax walba qiime is bedelaya iyo sarif  isbedelaya. Tii illaahayna waxaynu leenahay Alle isaga ayaa gacan weynee ha inaga soo qaboojiyo, laakiin abaar iyo olole isma gelayaan, waanay adagtahay siday isu galaan.”

Mujaahidka oo ka hadlaya siyaasadda dibadda Somaliland wuxuu yidhi “Siyaasadeena arrimaha dibadda gal daloolo badan ayaa ka muuqata, dadka lala shirayaa xisbina maahee laba kun oo meelood ayuu shir ka  dhacayaa ood arkaysaa in kalsoonidii iyo ujeedadii dawladda loo dhistay ka wakiil ahayd inay meelo badan ka banaysay, markaas arrimihii dibadda boqol qolo ayaad arkaysaa oo loo yeedhanayo, jilibo ayaabay maraysaa imika, xataa reero waaweyn maahee, jilibo hoose dawlado la shaqeeya ayaad arkaysaa, markaas waa nasiib darro.”

Isagoo ka hadlaya doorashooyinka wuxuu yidhi “Doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku kal baxaan in la helo, haddii la waayana halaga tashado ayaan leeyahay, inaanay waxba dhacayn ayaan arkaa, wakhtigiina waa la dhaafay wax la qaban lahaa.”

Isagoo ka hadlaya cidda leh eedda haddii dib u dhac ku yimaado doorashada wuxuu yidhi “Ninkii dadku igmaday ee dhaqaalaha u dhiibeen ayaa iska leh oo dawladda ayaa iska leh dambigaas haddii doorasho dhici weydo, ma nin suuqa iska jooga ayaa la odhanayaa wax baad ku leedahay, ciddii loo igmaday ee dastuurka loogu qoray xilkaad hayso ayay ka mid tahay ayaa dambigaas leh.”

Wuxuu ka hadlay shir uu ka qayb galay oo dhawaan ka dhacay Burco, “Wax laga shakiyaa kuma jirin, danahooda beel ahaaneed ayay ka wada hadlayeen, cidna aynu ku xumayno, cidna ku waxyeelayno, dawladna aan kula hadalno, danahooda ayay ka tashanayeen, labada beeloodna way wada hadli karaan.” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne).