Doorashadii Somaliya Oo Weji Cusub Yeelatay Iyo Xasan Sheekh Oo U Muuqda In Mar Labaad La Dooranayo

0
570

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Iyadoo ay doorashada Somaliya tahay inay qabsoonto 8 February 2017, ayaa waxa si xawli ah isu bedelay saadaashii laba toddobaad ka hor laga haystay natiijada ka soo bixi doonta.

1

Doorashada oo ay ku loolamayaan murashixiin ay tiradoodu tahay 24 murashax, waxa uu loolanka ugu adagi dhex marayaa afar murashax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah madaxweynaha Somaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid.

Inkastoo ay baarlamaanka Somaliya cod qarsoodi ah oo wareegyo dhawr ah qaadan doona ku kala saari doonaan murashixiintan, haddana waxa muuqata in baratanka afartan murashax uu meel xaasaasi ah marayo.

Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore la saadaalinayay inuu ku jiro xaalad adag oo ay cidhiidhi geliyeen murashixiinta la tartamaysa oo markii hore is bahaystay, ayaa hadda u muuqda inuu cod badan kaga horeeyo ragga la tartamaya, ka dib markii ay murashixiintii kale ku guuldaraysteen inay sii wadaan isbahaysigoodii siyaasadeed.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu taageero ka helay dawladaha gobalka ee ay ciidamadu ka joogaan Somaliya, kuwooda ugu cudududa weyn oo markii hore si adag uga soo horjeeday, waxaanay dalalkani la garab istaageen taageero siyaasadeed iyo taageero kaleba.

Rajada Xasan Sheekh Maxamuud ee soo korodhay ayaa waxay dareen gelisay murashixinta kale, gaar ahaan Cumar Cabdirashiid oo shirjaraa’id oo uu shalay qabtay dalalka jaarka la ah Somaliya uga digay farogelin uu sheegay inay ku hayaan doorashada Somaliya. Cumar ayaa yidhi  “Waxa jira culaysyo isa soo taraya oo ka imanaya wadamada dariska ah qaarkood, iyagoo olole ugu jira musharax gooni ah, arinkaasina wax weyn kama badali karo niyada iyo rabitaanka xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed. Dalku waa mid madax banaan islamarkaana doorashooyinka dhacaya waxaa go’aankooda iska leh Soomaalida.”

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh ku guulaystay inuu qanciyo dawladda Imaaraadka Carabta oo si adag uga soo horjeeday islamarkaana taageersanayd Cumar Cabdirashiid oo ay dhaqaale la garab taagnayd. Waaan sababta keentay in Cumar Cabdirashiid uu shalay eeddo u jeediyo dawladaha jaarka la ah Somaliya oo aanu magacaabin.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa iyaguna la saadaalinayaa inay tartan adag la geli doonaan Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dadka siyaasadda Somaliya falanqeeya ayaa aaminsan inay adagtahay inay guulaystaan, waxase ay saadaashu tilmaamaysaa inay Xasan Sheekh daaqadda ka tuuri karaan haddii ay midoobaan oo codadka isku darsadaan, taas oo ah mid aad u adag inay dhacdo.