“Doorashadaasi Maanta Haddii Ay Dib U Dhacdo Dalkeenu Wuxuu Galayaa Mugdi” 

0
1199

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay In Laga Ilaaliyo Inay Somaliland Sannaka 2019 Kufto

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland haddii aanay doorashada galin sanadkan lagu jiro ay gali doonto xaalad mugdi ah. Waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe sida oo kale ka sheekeeyay sida ay ugu adkasteen ka xisbi ahaan in doorashadu ay sanadkan ku dhacdo iyo in komishanka cusub lagu daro laba xubnood, waxaana isaga oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi“Xisbigu waxa uu leeyahay mawqif , hadaba waxaan imika leeyahay shacbiga reer Somaliland waar maanta waxa uu dalkeenu u baahan yaay doorasho , 82 xildhibaan iyo intaas oo maayar oo inaga cuna mushahar oo cashuurta laydinka soo qaado qaata oo wax alle iyo wax ay inoo qabtaan aanay jirin oo aan sharci ku fadhiyin miyaa loo daneeyaa mise dalka ayaa loo daneeyaa? Waxaan maanta leeyahay dalka iyo dadka halaga naxo doorashadaas qofka diida ee is hortaaga waa qof doonaya inay Somaliland kufto oo tacab qasaare inagu dhaco, raga dibada ka soo qaylinayaa ee xafiisyada ka furtay iyo ka leh yaanay doorasho dhicin waa ay isku xidhan yihiin, shacbiga Somaliland intaas soo adkaystay in maanta tacab qasaar lagu rido oo inaga gudaheena laysku keen jabiyo waa foolxumo,waligeed guuritda ayaa lagu baxsan jiray maxaa Somaliya ina dhaafiyay waxa aynu kaga fiicnayan guurti ayay ahayd, waxaanu leenahay maanta xilkiina qaata kala doorta 82-kaas baarlamaanka ah ee aan sharciga ku fadhiyin ee halkaas iska fadhiya ee meelii laga soo doortay aan tagin ee asxaabtii ka maqan iyo maayaradaas kudaafadaa ina dhex fadhiisiyay.“ Eng. Fasyal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Anigu dalkaan u hiilinayaa biyo ma haysano, cisbitaaladeenii waad aragtaan oo waa hudheelo qaali ah , dawladu inay tidhaahdo sicirkiina intaas ka dhiga ayay samayn kari lahayd,haddii la kordhiyo waxa ay Somaliland galaysaa mugdi, qofkii Somaliland jecelow ee xornimada jecelow, waa in maanta loo hiiliyaa in doorasho ay dhacdo, aduunku waxa uu leeyahay waar dhiga oo dalkeenii ayaa laynaga maslaxayaa.” Isagoo ugu dambayn Faysal la hadlaya guurtida wuxuu yidhi “guurtidda waxaan leeyahay shacabku qaatiyaan buu ka taagan yahay xildhibaano aan ku noqon deegaankii lagu soo doortay oo aan waxba u tarin iyo muddo kordhin kolba dib u dhacda ee waa inay tixgaliyaan heshiihskii xisbiga kulmiye iyo UCID ee aanu ku heshiinay inay doorashada goleyaaashu dhacdo November,2019.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here