“Doorashada Komishanku Dib Umuu Dhigin Ee Hore Ayaa Ay Dib Ugu Dhacday, Dowladda Ayaana”

0
557

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Xusseen Maxamed Cigeo oo ka mida mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay go’aankii ka soo baxay komishanka doorashooyinka ee muujinaayey dib u dhac ku yimaada doorashooyinka la filaayey in ay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadkan, waxaana uu mas’uuliyada dib udhaca doorashada dusha ka saaray in ay hore u sababtay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu carabka u dhuftay maalinta ay gaadho 26ka Juun madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo in uu sameeyey talo qaran oo lagu badbaadinaayo qaranka Somaliland si baa uu yidhi cidii wadanka wakhtigaas hogaamin lahayd loogu dooran lahaa.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika."Horta doorashada 26ka Juun komishanku dib umuu dhiginee hore ayaa ay dib ugu dhacday, waxaa uu sharcigu dhigayaa ama uu sheegayaa ama la isla ogalaa 26ka Juun in ay doorashadu  oo xukuumadu ay doorashada diyaar garayso oo ay ka bilowdo oo ay waliba diyaar garayntaa ay ka bilowdo 2013kii bilihii u danbeeyey, deetana xukuumadu wax talaabo ah oo ay qaaday ma jirto, way jiitan tay siday u soo jiitamaysay ayey halkan soo gaadhay taasi oo ka liftay in aan 26ka Juun doorashadu dhici karin, sidaas ayey u dhacday dawlada ayaana ka danbeysay. Komishanku markii iyaga dee la magacaabay ee ama la ansixinaayey ama la dhaarinaayey dawladu waa ay ka caga jiidaysay, wakhti dheer ayaa ay qaadatay si wakhtigu dib ugu dhaco, imikana wax badan kama hadhin wakhtigii oo saddex bilood ayaa ka hadhay, markaa kolay bilo waa ay kordhayaan sida aan u aragno, komishankuna malaha waa uu ka war wareegay oo wakhtiga in uu sheego oo diiwaan galinta ayaa uun uu sheegay in ay qaadanayso."Ayuu yidhi Xuseen Maxamed Cige.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"26da Juun waa maalinta u danbaysa ee laga rabo dawlada in ay ama badiso oo ay doorashada hesho ama laga helo, dastuurkuna waxaa uu dhigayaa in wax doorasho baajin karaa uu yahay wax weyn oo dhaca ama dagaal, ama aafo ah ama abaaro ahba oo dee wax baajin kara oo dib u dhigi kara taasina dee iyana may imanin oo may dhicin sidaasi. Markaa marka la isla gaadho wakhtigaas haddii Illaahay ka dhigo dawladu way ka baxaysaa, inkasta oo dastuurku uu leeyahay dawlad waxaa bedeli kara dawlad la doortay, hadana dastuurku waxaa uu leeyahay doorashadu waa in ay qabsoonta haddii aanay waxaasi dhicin. Hadana labadaas marka ay noqoto waxaa la iswaydiinayaa maxaa dhacaya, waxaa dhacaya dee waxii lagu gartamaayey oo noqonaysa madaxweynahani madaxweyne maaha oo dee doorashadii waa uu qaban waayey oo waxii ma dhicin, wax kalena ma uusan sheegin, dastuurkuna waxaa uu sheegayaa waxa weeye in wada-tashi laga yeesho, wada-tashigiina dee la ogaado qolo waliba ma ku qanacsan tahay oo ama madadaxweynaha la yidhaahdo sii hay ama haddii kaleba oo iyada oo waxii la isku waafaqsan yahay oo lagu calool san yahay aayaha dalka laga taliyo si aan dalka wax uga dhicin.".

Xildhibaan Maxamed Xuseen Cige oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay wada-hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya, waxaana uu uu soo jeediyey in wakhti xaadirkan aanay haboonayn in la sii wado wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, isaga oo carabka ku dhuftay in dawlada Somaliya ay mar walba ka baxaysay heshiisyadii ay dhinacyadu hore ugu galayeen wada-hadalada u socday.

"Somaliland iyo Somaliya markii hore xaaraan ayey ahayd in la wada hadlo hase yeeshee markii danbe ayaa arrintan la bilaabay oo beesha caalamkuna inagula talisay oo ahayd in meel wax la isla dhigo, taasina wanaag ayaa ay ahayd. markaa shirarkii waa ay soconayeen oo kolba meel ayaa ay ka dhacayeen, aniga laftayduna mar ayaan ka qayb galay aniga oo matalaya golaha wakiilada Somaliland. Markaa waxa meesha yaala waxa weeyaan in shirkaasi ugu danbeeyey in la tago may ahayn, sababtuna waxa weeyaan wax Allaale iyo waxii hor u dhacay ee lagu heshiiyey ee la doonayey in la fuliyo, mar haddii waxyaabihii hore loogu heshiiyey ay waxba ka soo noqon waayeen, wax loogu noqdaa oo loo tagaa horta may bay jirin, oo waxaa ay ahayd in la yidhaahdo waar horta waxii hore fuliya. Ta labaad waxaa yimi qodobo dastuuri ah oo xeerkeena ku qoran in wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya aanay ku jirin cid ka socota Somaliland, waana ay ku soo dareen Somaliland, markaa markii horeba in ay tagaan may ahayn, markii danbena ee ay ka soo dareereena waa ay ku saxsanaayeen, waxaana ay illa tahay in wax danbe oo nimankaa loogu noqda in aanay banaanayn, meeshana oolin, haddii se la doonayo in aduunku inagu dhex dhexaadiyo horta waxii lagu heshiiyey waa in la fuliyaa, xeerarkeedana la socodsiiyaa, runtana aan laga leexan. Imika Somaliya waxaa ay ku adkaysanaysaa oo ay leedahay la kala go'i maayo, haddana calanka ay haystaan xidigta shanta geesleh waa Shanta Somaliyeed weeye, inagu markii aynu meesha tagnay shanta Somaliyeed ayaa aynu ka mid ahayn haddii ay iyagu leeyihin yaan la kala tegin waa in Afartii kale ay keenaan oo la soo helo anaguna diyaar ayaanu nahay oo shantu soo dhamaadaan, haddii kale iman mayno annagu.".Ayuu yidhi Md:Xuseen Maxamed Cige.