“Doorashada Ayaa La Isku Qabtayna Waa Sahale, Ee Dadka Rajadiisa Iyo Mustaqbalkiisa In Loo Ilaaliyo Weeye”

3
1266

Axmed Xaaji Cadami

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, ee Komishanka Doorashooyinku sheegeen in aanay ku qabsoomi karin wakhtigii loogu tagalay, waxaanu ku taliyey in Xisbiyada ka heshiiyaan hawlaha kaga xidhan qabsoomida Doorashada, waxaanu ku baaqay in rajada dadka iyo dalkaba aan waxyeelo loo gaysan, oo aan la lumin, balse wax walba oo khilaaf ah in laga heshiiyo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In Rajada dalka la lumiyo maaha, in dadka la rajo tirana maaha,bila’aadankuna rajada ayuu ku nool yahay, Doorashada ayaa la isku qabtayna waa sahale, ee dadka rajadiisa iyo mustaqbalkiisa in loo ilaaliyo weeye, hawshana cid baa u xilsaaran oo u magacaaban, wakhtigii haddii uu iga dhacayna suuqa kama shaqeeyso, waana arin xasaasiya oo taxadir badan iyo dhawritaan u baahan,ee yaanay  ciddina gooni wax isku siinin, ee ha la wada tashado, oo bisikinka ha la wada qabsado, wax sidaas dhama ma jiro”.

Mar uu ka hadlaayey dib u dhaca Doorashada ayaa yidhi “Haddii ay noqoto bil, laba bilood, saddex bilood iyo wax la mid ahba iyo wixii ay noqotaba, Doorashadu dib ayey u dhacaysa, sababo badan dartood, waayo waxaa jira dhul badan oo aan laga diyaar-garoobin oo u baahan in laga hawl-galo ayaa loo baahan yahay,  dhul kale oo si fiican u diyaar-garoobayna wey jiraan, laakiin Dawladda iyo Xisbiyada ayuu xilka ugu weyni saaran yahay, ee Hay’addaha Qaran ha isku tageen, oo hawsha ha inaga soo dhaweeyeen, intii la wada kaftami lahaa, oo qoloba qolo wax saari lahayd, adhi baa geel laayey looma baahne, rajada dadka yaan la tirin, wakhtigana yeynaan iskaga ciyaarin, Dimuqraadiyada iyo wanaaga aynu Caalamka ka haysano waa tusaale fiican ee yaanu wakhtigu khilaaf inagaga lumin, hebel iyo hebel baa diidan iyo aniga wax ogolna looma baahna, dalkana hebel iyo hebel ma leh, ee dad fara badan oo aqoon iyo aragti lihina, dalka wey joogaana weyna ka talin lahaayeen, lamana odhan karo Somaliland oo dhan baa la dhex maray oo hawshii wey ka socon weyday, taasina waa ceeb, waxaana jecel nahay in arinkaasi wanaag ku dhammaado,muhiimadana la siiyo”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Komishanku wakhti bay la sugayeen, hawshu inay ka soo baxdo oo lagu sugaayey waxaa weeyey Axsaabta, Mucaarad iyo Muxaafidba leh, wax imika Komishanka lagu canaanto oo la yidhaahdo waxba diideen iyo waxbay qaban waayeen, midna maanta ma taagna, ee Axsaabta qaranka, Komishanka  iyo Dawladdaba waxaan leeyahay is riix-riix looma baahna, ee sida ugu dhakhsaha badan is fahan ha loo gaadho”.

Caddami mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka ayaa yidhi “Dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka, Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobayba waa kuwan dalka yimaada, wax walbana wax ka muhiim ah maaha xal noqon kara, Doorashooyinkuna haddii ALLE xukumo wakhtiga lagu heshiiyo, ayey dhici doonaan, ee Somaliland Wadamada ka caawiya Doorashooyinka waa inay iyana qaybtooda bixiyaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here