Dooni Siday Tahriibayaal Oo Ku Degtay Badda Mediterranean-ka

0
589

Tripoli(Geeska/W.Wararka)-Afar qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay, kuwaas oo lagu tirinayo inay dhinteen, kadib, markii dooni Jimcihii ka shiraacatay Xeebaha Libya ku degtay Badda Mediterranean-ka.

1

Laba qof oo Ethiopian iyo 2 Eritrean ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo habeen hore gaadhay Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga.

Dadkaasi badbaaday oo kala ah 3 nin iyo haweenay ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.

Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof habeenkii Jimcihii ka soo raaceen Xeebaha Libya, iyadoo dhamaan dadkaasi ka soo jeedaan dalalka Bariga Afrika.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu ciladoobay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.

Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.