Doodda Cali-mareexaan Ee Ah ‘In Dhaqaalaha Somaliland Ku Tiirsan Yahay Gobollada Bariga’

0
717

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa ka hadlay dhaqaalaha Somaliland halka ugu badan ee uu ka soo baxo.

Cali-mareexaan oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay Xoolaha nool, Xoolaha noolna ay ku dhaqan yihiin Gobollada bariga dalka, sidaasi darteed loo baahan yahay in Dadka ku nool Gobollada barigu inay Saamigooda ka helaan waxa Dalka soo gala.

Wasiir hore Cali Mareexaan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Gobollada barigu, dhul ahaana waa Gobollada ugu ballaadhan dalka, waana Gobollada uu dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay, dhaqaalaha Somaliland wuxuu ku tiirsan yahay Gobollada bariga, waa laga yaabaa in in badan Dadka dhegahooda lagu celceliyey oo la yidhi dakhli kama soo baxo, laakiin waxa la isku khaldaa Dakhliga la ururinayo iyo dhaqaalaha.  Dhaqaaluhu wuxuu ku tiirsan yahay oo laf-dhabar u ah Xoolaha dalkeena, taana Qof kastaaba wuu garanayaa, waxa soo raacaa waa lacagta adag ee qurbe-joogtu dalka u soo diraan, laakiin inta ugu badani waa Xoolaheena, xooluhu halkay ka yimaaddaan, reer miyiga ayay ka yimaaddaan, ninka neefka dhaqa ayaa ah Warshaddii soo saaraysay, Dhaqaalaheena Saldhiggiisu waa halkaa, Xoolaheenana inta ugu badani waxay joogaan Gobollada bariga, markaa Dadka dhaqaalaheena hayaa waa Dadka jooga Gobollada bariga..”

Cali Waxa kale oo uu sheegay “Inyar oo beeyo ah oo Gobollada bariga ayaynu iyadana dibedda u dhoofinaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan Hadhuudhka ka baxa Somaliland aanu cidna ku fillayn “Intan hadhuudhka ahi wax Cidna ku filan maaha, markaa sidaas baa dhaqaalaheenu  ugu xidhan yahay Gobollada bariga, waana in mar walba la ogaado in dalka dhaqaalahiisu uu dhanka bariga yaallo.”

Cali-mareexaan waxa kale oo uu sheegay in Kaantaroollada Cashuurta lagu qaado aanay macno ahaan u dhignayn Wax soo-saar uu leeyahay deegaanka uu Kaantaroolku ku yaallo, balse ay tahay Cashuur uu bixiyey qof kasta oo isticmaalaya waxa halkaa lagu cashuuray, isagoo Tusaale u soo qaatay Qaadka lagu cashuuro Kalabaydh “Sida qof walba yaqaano, Cashuurta waxa bixiya qofka isticmaalay (Shayga la cashuuray), ka Koobka Shaaha ah cabbaya, ka shaadhka iibsanaya iyo kiishka Bariiska ah iibsanaya ayaa Cashuurtii toos u bixiyey, laakiin meesha uu soo maray ee Kaantaroolku yaallay Cashuur ma bixin, taasina waxay ka mid tahay doodaha khaldan ee Dadka lagu celceliyey, Tusaale ahaan Qaadka soo maray Kalabaydh waxa Cashuurtiisa bixinaya qofka Hargeysa, Buuhoodle, Laascaanood ama Berbera ku cunay, maaha in Kaantaroolku uu cashuur bixiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xoolaha ugu badan ee Somaliland ay u dhaqan yihiin bariga dalka “Galbeed oo dhan Xoolaha jooga waxa ka badan Xoolaha Gobolka Sanaag jooga, Togdheer oo deegaankii Xoolaha ahni bariga waa ka mid, Sool waa la mid, markaa sidaas buu dhaqaalaha waddanku bariga ugu tiirsan yahay, mar walba waxa weeyaan in Saamigooda iyo waxa ay mudan yihiin in waxa dalka soo gala ay ka helaan, waa in aanay noqonin dheriga Nin ku dhow baa laf kala baxa..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office