Dood Kulul Oo Dhex Martay Garabyada KULMIYE

0
684

Picture3Hargeysa(Geeska)-Dood kulul ayaa shalay laanta Afka Somaliga ee VOA ku dhex martay labada garab ee isku haya xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka kala socdeen Xuseen Axmed Caydiid oo ahaa wasiirkii hore ee iska casilay cadaaladda iyo Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE.

Labadan masuul ayaa kala metelayay labada garab ee KULMIYE, waxaanay si adag ugu kala aragti duwanyihiin qaban qaabada shirka KULMIYE.  Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku doodiisa ku sheegay  in qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye u afduuban tahay garabka musharax Muuse Biixi Cabdi, lana diiday in xubno garabkoodu u magacowdeen oo ahaa Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle loo diiday inay la hubiyaan liiska golaha dhexe, balse Jaamac Shabeel oo garabka kale meteleyay wuxuu ku dooday in garabka musharaxiintu kaadhadhkooda qaataan, shirkana yimaadaan oo ka tartamaan, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha dhinaca kale ee ka soo horjeeda.

 Gabagabadii oo la waydiiyay bal waxay xalka xisbiga Kulmiye u arkaan ayaa ugu horayn Xuseen Axmed Caydiid yidhi “ Waxaan u arkaa, Jaamac doodiisa waan arkayaa oo waxay talo ka taagan tahay anagoo dhinac ah oo hawshii maamulanayna oo kaligayo gacanta ku haysana  kaalaya oo Kaadhka qaata idinkoo aan wax shirka imanaya war u hayn oo dibada ka joogtaan kaadh aayar xubin xubin u qaata oo shirka fadhiista, inta aanu doono uun aanu idinku siinee kaalaya.  Taasi waxaan u arkaa, haddii Jaamac ay halkaasi ka taagan tahay, wuxuu Jaamac ku talo galay in garabkiisu shirka qabsado markaa ha ku socdaan leeyahay wuxuu ka helo ha waayee. Waxaan leeyahay waxay ku dabaynaysaa talada Jaamac Xukumay, metelan musharaxa Kijaandhe oo ka soo jeeda degaan ilaa 2003 markii doorasho bilaamatay aqlabiyaddiisu Kulmiye ahayd marka la yidhaa saaxad xor ah kaga tartami maysid halkaa farriinta ay taasi diri doontaa maxay noqon doontaa? Marka musharaxiinta kale ee  Muuse la beesha ah ee xoogga ku lahaa taas oo kale la tuso farriinta ay codbixiyeyaashii u diri doontaa maxay noqon doontaa? Waxaan leeyahay jujuubka halkaas lagu wado iyo garabkaa imika shirka galay wuxuu u keeno iyo nasiibkii, garabka dibadda ka joogaana halku taladiisa la maro isagay u taal.

 Jaamac Shabeel oo hadalkaasi Xuseen ka jawaabaya, sidoo kalena xalka la waydiiyay ayaa ku dooday in xisbiga Kulmiye haysto madaxweynaha oo ah aasaasihii xisbiga, sidoo kalena xubnaha kala wareegayaa yihiin kuwo la soo tijaabiyay oo xisbiga soo maamulay sidaasi darteedna aanu xisbigu burburi doonin . waxa uu sheegay in shirku qabsoomi doono awooddana ay leeyihiin golaha dhexe ee Kulmiye.

 “ Xisbiga Kulmiye xisbi sidaas ku baaba’aya maaha, boqolaal way soo galeen boqolaalna way ka baxayaan xisbiguna wuu taagnaanayaa, shirkanina  sidaas buu ku qabsoomayaa, sidaas bay xubnihiisu diyaar ugu yihiin, awooda xisbigana waxaa leh golaha dhexe, xubnaha golaha dhexena waa u diyaar shirkii inay fadhiistaan, cid dib uga dhigi kartaana ma jirto. Marka la fadhiisto go’aanka iyagaa leh, ha yimaadaan hadday cod isla hayaan, meesha cod baa lagu tagayaaye hadday cod ku ogyihiin ha yimaadaan, haddaanay ku ogayna ha iska daayaan xaskan ay ku meeraysanayaan, markaa xisbiga Kulmiye wuu shiri doonaa, doorashadana codkii uu ku soo baxay mid ka badan ayuu ku soo bixi doonaa,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

 Xuseen Axmed Caydiid, oo mar kale hadalkaasi ka jawaabaya ayaa yidhi “Sida Jaamac ka muuqata, ifafaalaha socdana ka muuqda ayay noogu muuqataa in xisbigii kala jaban yahay oo garab ku mitiday inuu shir qabsado ama xalaal ha ku geeyo ama xarraane, oo dabeed sacab laga tumo oo Muuse Loo cumaamado taas kuguma diidani oo waa halkay ku socoto. Marka lala tartamayo ayaynu eegi ururada dambe inuu ku hadho iyo inkale, doorasho calafkiisaynu ka eegi, haddaad taas dan ka leedahayna talada dadka wax ka sii haddii kale oo aad isku filan tahayna Macasalaama.