Diyaaradda Air Jabuuti Oo Khatar Ku Gashay Garoonka Garoowe

0
678

Garoowe (Geeska) Diyaarada Air Jabuuti ayaa Shalay Subaxdii shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, kadib markii ay soo waajahday cilad dhinaca mishiinka ah, sida laga soo xigtay Masuuliyiin mid ah Maamul-gobolleedka Puntland.

Diyaaradda ayaa inta ayna cago dhigin ama fadhiisan Garoobka waxaa la arkayay iyadoo sii deynaysay Qiiq, kadibna waxay si deg-deg ah u fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka hadlay khatarta diyaaraddu gashay iyo siday wax u dhaceen “Baylootka diyaaraddu wuxuu dabada ku dhuftay halka Dhabbaha diyaaraduhu ka bilaabmo, markaana waxa Diyaaradda u qarxay Hal Taayir, mid kalena Naqaskaa ka baxay, ka dibna mishiinnada mid ka mid ah ayuu dhulka jiiday..” ayuu yidhi, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Puntland Xasan Cismaan Gabiley oo Markaa ka dib la hadlay Saxaafadda, waxaanu intaa ku daray inay Diyaaraddu siday 34 Qof oo isugu jira Rakaab iyo shaqaale.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Puntland, ma sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhay Dadkii Diyaaradda saarnaa, laakiin khatarta diyaaraddu gashay wuxuu eeddeeda saaray Baylootka diyaaradda wadday.

Dhinaca kale, Maamulka Shirkadda diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaan weli ka hadal shilka diyaaraddoodu ku gashay Magaalada Garoowe.

Dalka Soomaaliya waxa ku badan diyaaradaha khatarta ku gala, sida la xasuustana dhowrkii bilood ee u dambeeyay waxa Gobollada Soomaaliya u burburay illaa saddex Diyaaradood oo u kiraysnaa Ciidammada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

 

Geeska.net/Hargeisa Office