Curfiga Aadamaha ayaa ah in ay isku maamulaan hab iyo qawaaniin ay isku racsanyihiin una arkayaan in ay u simanyihiin horumarna ku gaadhi karayaan, habmaamulkaasu ha ahaado mid ay dejisteen ama ha ahaado mid ku salaysan diin ay aaminsanyhiin.
Hab mamuladaasi waxay qaataan in bulshada lagu dhaqayaa la qabsato mudo dheer ka dibna ay ka mid noqoto noloshooda caadig ah, weliba way adkaataa in ay si fudud ula falgasho hadii bulshadaasi lahayd hab dhaqan kale oo ka gedisan midka lagu soo kordhiyay.
Inkastoo mudo dheer ay ismaamulka Aadamuhu soo jiitamaysay, hadana qarnigii 17aad waxaa dunida si muuqata ugu soo biiray hab dhaqan siyaasadeed ku cusub intabadan dadyawgii dunida dacaladeeda ku noolaa, dhaqan siyaasadeedkaas oo kasoo unkamay wadanka Giriiga oo hormuud u ahaa indhadilaacsigii dunida la legdamaysay duruufahii isbedel ee nolosha ku gadaanaa hareerahooda. Dhaqan siyaasadeedkaas oo afka Giriiga loo yaqaanay Demos – Kratos oo macneheedu yahay "awooda dadkaa leh", labadan kelmadood waxa ay ku faafeen dunida inteedii kale gaar ahaan wadamada Yurub iyo Maraykanka, faafistaanka degdega ahna waxaa sabab u ahaa isku dulnoolashihii dunida camimay oo loo arkaayay in ku dhaqanka habkani fududayn karo, waxaa isna fufka iyo u irkadka dhaqan siaasadeenkan fududeeyay burburkii dawladii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo burburkii ku yimi boqortooyadii Austro-Hungary.
Demos-kratos iyadoo dhawaaq doorsoontay isuna bedeshay erayga dhegeheena daashaday ee Democracy ayay ku biirtay luqadaha dunida badankooda. Qarnigii 20aad dhamaadkiisii ayaa ay Dimoqraadiyadu noqotay mid dunida muruq ku faanka ahi ku sandulayso kuwa aan lahayn awood go,aan oo ay doonistooda ku meelmariyaan.
Markaynu u soo noqono biya dhaca qormadeenan, tobankii sano ee u dambeeyay waxaa Somaliland dhex mulacyaynaayay dhaqan siyaasadeedka Dimoqraadiyada oo aanay hore u maqal awowyaashoodii gadhwadeenka ka ahaa dhaqanadii soo jireenka u ahaa ee reer guuraanimada. Dimoqraadiyadan (Direct Democracy) taas oo ah in bulshadu toos u soo doorato cida hogaankooda noqonaysa waa arin bulshadan mergi ku noqotay oo qofba siduu doono u turjunto iskuna qanciyo inuu sidii saxda ahayd ku taaganyahay.
Sida lawada ogyahay Soomaalidu waa dad habdhaqanka la falgalaa uu ku xididaysto ayna adagtahay in si fudud looga salguuriyo. Tusaale ahaan todobaatanaadkii markii soomaliya uu Maxamed Siyaad Bare u soo waariday nidaamkii hanti wadaaga, waxaa lala dhib mutay sidii dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed u aqbali lahayeen hantiwadaaga (Socialism /Marxism), waxaynu wada ognahay in markii dambe ay keliftay in Shuuciyada, Islaamka,iyo dhaqankii Soomaalida midba in laga soo qaato kadibna laysku badhxo looguna magac daro Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan (Scientific Socialism), waxaa taas lamida in markii diinta Islaamku soo gaadhay dadka Soomaalida in aanay sida umadihii Carabta daadin inbadan oo ka mida caadooyinkii lidiga ku ahaa diinta Islaamka taas oo ilaa manta ay caadooyin ku milanyihiin caqiidooyinka dadka Soomaaliyeed.
Hadaba waxaa cad in bulshada Somaliland la daalaadhacyso siday u fahmi lahayd dimoqraadiyada aan asalka ku lahayn dhaqankooda iyo diintooda midnaba, waxaanay keliftay in intooda badani u fahmaan nidaamkan "Waxaad doonto dheh waxaad doontona samee", marka wax laga weydiiyona jawaabta debnaha saarani ay noqoto "Dimoqraadiyadiibaa la cabudhinayaa". Taas oo u eeg in laga dhigto sariir ninkii bukaaba ka dul taaho isagoo codka jibaadkaasi ku dhawaaqaya "Dimoqraadiyada hala ilaaliyo," iyadoo in badan oo sariirta hareeraha ka taaganina ugu jiibinayso codkii babqaada (Parrot?s voice).
Waxaa iyana werwer leh, Somaliland hada waxaa looga diyaar garoobayaa doorashooyinka golayaasha deegaanka oo aan nooceedu hore inoo soo marin marka la barbardhigo doorashadii golayaasha deegaanka ee tan ka horaysay oo lagu soo baxaayay habka kala horaynta liiska, taas oo aan culays badan ku hayn xubnaha la dooranayo iyo bulshada dooranaysa midnaba. Waxaa tartanka ku jira shan urur siyaasadeed oo cusub iyo laba xisbi qaran oo hore u jiray balse hada la xuquuqa urur siyaasadeedyada cusub, iyadoo marka laysku daro ay ka sharaxanyihiin kumanaan musharax oo xoog, xoolo iyo xeeladba kuraasta ku doonaya.
Markaad u fiirsato ururada tartamaya waxaad si dhaba u dareemaysaa inay isugu biyo shubteen tartan ku salaysan qabyaalad, tusaale ahaan waxaad arkaysaa ururo 80% musharaxiintu ay isku beel kasoo jeedaan. Dhinaca kale muwaadinka codka bixinayaa ururada kuma raacayo mabda uu aaminsanyahay, waxaan iyana cadayn murashaxa ma waxa lagu dooranayaa:
1. Barnaamijka ururka uu ka sharaxanyahay,
2. Shakhsiyada musharaxa
3. Qabiilka musharaxa mise
4. Qabiilka hogaanka ururka
Waa arin aan jawaabteedu fududayn, waxaa la yidhi Islaan ayaa aragtay gabadh surwaal xidhan, markaasaa la weydiiyayay, qofku ma ninbaa mise waa ruux dumara markay dhan ay u qaado garanweyday ayay tidhi " Dee malaa waa labadoo isku jira", hadaba hadii iminka layna weydiiyo doorashadan Somaliland ma qabyaaladbaa mise waa dimoqraadiyad miyayanu gefnay hadaynu ku jawaabno "Dee malaa waa labadoo isku jira", taasina waa halka aynu u sibirsaarayno labeebnimada Dimoqraadiyada uu jiha kasta durbaankeedu ka aloosanyahay.
Marka layskusoo xooriyo, doorashooyinkani waxa ay shabahaan kuwii Somalia ka dhacay 1969kii ee dad badani ku kala xabaala seegeen hibashadeediina ilaa manta la hadal hayo. Waxaa muuqata in Dimoqraadiyada Somaliland tahay labeeb salka ku haysa qabyaalad dabarka goosatay oo la fal gashay nidaam siyaasadeed aan dhaqankeena ku salaysnayn, taas oo khakhal gelin karta qaab siyaasadeedkeena ku taagan tiirarka dhaqanka soo jireenka ah.
Qalinkii: Axmed Yusuf Dirir (Maareeyhii hore ee Dekedda Berbera)
Dirir_45@hotmail.com
Comments are closed.