139 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Edna Aden University

0
688

 

Picture6Hargeysa (Geeska)- Boqol iyo sagaal iyo soddon arday (139) ayaa shalay ka qalin jebiyay Jaamacada Edna Adan University Hospital ee magaalada Hargeysa.

 Munaasibada xaflada qalin jabinta oo ka dhacday Hotel Maansoore ee maagalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay masuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka, laamaha kala duwan ee goobaha caafimaadka, waalidiin, macaliin, ajaanib iyo marti kale oo tira badan.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadashay marwo Edna Adan oo aad ugu mahad celisay dhammaan ardayda kala duwan ee shalay ka qalin jabiyey jaamacada, waxaanay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay maanta iyaga oo hor fadhiya ardaydii aflaxday.

Marwo Edna Aadan Ismaacil waxay carabka ku dhuftay in araydani ay marti u yihiin wasaaradda caafimaadka, iyo gobaaha kala duwan ee caafimadka, iyada oo si gaara u xustay inay kala wareegaan wasaaradda caafimaadku ardayda oo ay sheegtay inay yihiin kuwo ay qaranka u soo saartay.

Edna Adan waxay amaan iyo bogaadan u soo jeedisay Dr Barakad oo  ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka Itoobiya, waxaanay ku amaantay dadaalka dheeraadka ah ee uu la soo maray ardayda ka baxday qaybaha kala duwan ee jaamacada Edna Adan University .

Edna Aadan Ismaacil waxay ka codsatay ardayda qalin jabiyey inay noqdaan arday akhlaaq wanaagsan leh. Waxaanay intaas ku dartay inay dhamaan ardaydan ay halkan soo gaadhsiiyeen waaliidkooda.  Ugu danbayntii Edna Aadan ayaa sheegtay in qaranka Somaliland ka weyn yahay Hargeysa oo kaliya, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxay tidhi:- “jamhuuriyada Somaliland Hargeysa way ka weyntahay, qaranku intaas wuu ka balaadhan yahay, umada inteeda kale ee wadanka degani way ka badan tahay inta Hargeysa degan, baahida Hargeysi leedahay mid ka badan ayaa taala, dadka halkan degan in ka badan ayaa degan, goobaha caafimaad ee Hargeysa in ka badan ayaa qaranka wada taxan, haddii aad doonaysaa in aad Hargeysa uun ku war wareegtaan waad na wada khasaarayseen. Waxaan doonayaa in qaranka si cadaalad ah, si siman, si walaaltinimo ku jirto in aad ugu shaqaysaan oo aad qarankiina gees ilaa ka gees aad jeclaataan” Waxa ay Edna Aden ugu dambayn bogaadisay ardayda qalin jebisay oo ay guubaabo iyo hambalyo isugu dartay.

 Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Md. Cabdi Gurey oo uu soo wakiishay wasiirka caafimaadku, waxaanu dhamaan bogaadiyey ardayda maanta jaamacada Edna ka baxday.

 Agaasimaha wasaaradda caafimaadku wuxuu geesta kale hamblyo u diray Edan Aadan oo uu sheegay inay kaalin wax ku oola kaga jirto helitaanka shaqaale caafimaad, waxaanu intaas ku daray inay wasaaradd ahaan ay la dabaalan doonaan shaqo u abuurka dhamaan ardayda maanta soo baxday.

 Ugu danbayntii waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey dhamaan ardaydii xaflada loo qabtay oo kala duwanaa.