Diego Carcia waa jasiirad ku taalla badhtamaha badweynta Hindiya, Faransiiska ayaa degey 1790maadkii, kadib dagaalladii Napoleon markii ay dhammaadeen ayaa uu Ingiriisku ku wareegay, muddo dheerna waxa ay ahayd goob uu Ingiriisku gumaysto oo hoostagta xukunkii gumaystaha ee dalka hadda la yidhaahdo jasiiradda Mauritius. Diego Carcia mar dambe waxa ay noqotay saldhig weyn oo Milateri oo ay wadaagaan Maraykanka iyo Ingiriisku.
Intii u dhexeysay sannadihii 1968kii illaa 1973kii ayaa jasiiraddan Diego Carcia uu Maraykanku dadkii deggenaa qasab kaga raray, kadib markii uu cabsi badan ku abuuray, markii dambana waa uu u diiday in ay dib ugu soo noqdaan. Dadkaas badhkood waxa ay tageen oo dageen kuna farcameen jamhuuriyadda Mauritius iyo dalka Seychelles. Waxa aanay jasiiradda Diego Carcia isu beddeshay jasiirad dadka deggeni ay yihiin oo keliya askarta Maraykanka iyo dadka shaqadu dhex marto ama qandaraasyada ka qaata.
Guddidan Kongareesku waxa ay baadhitaankoodan ka soo saareen warbixin aad u dheer oo markii la soo ururiyey inta ay tahay in dadka loo faafin karaa ay noqotay 499 bog, laakiin waxa ugu muhiimsan ee ku jiray waxa uu ahaa in CIA ay si ku talogala oo joogto ah been uga sheegaysay waxtarka iyo midhaha ka soo baxay barnaamijkaas ciqaabta foosha xun ah ee ay u adeegsatay maxaabiista ay baadhista ku samaynaysay. Waxa ay ka been sheegeen jawaabta su’aasha laga weydiiyey bal in ciqaabtaas arxan darrada ah ee ay maxaabiista ku sameeyeen ay ku heleen wax xog ah oo looga faa’idaysan karo in laga hortago weerarro argagaxiso oo Maraykanka ku soo fool leh. La soco…
Beenaha la sheegay waxaa ku jiray ku khatar ah oo si faahfaahsan u sheegaya in qabashada Usaama Bin Laadin waxyaabihii fududeeyey ay ka mid ahayd, iyada oo marka hore sirdoonka Maraykanku ogaaday hawlwadeen Al-Qaacida ak tirsan oo lagu magacaabo Abu Axmed Al-Kuweyti.
Maraykanku waxa uu warkiisan ku sheegay in Abu Axmed uu ahaa xubinta ugu muhiimsan ragga ay ugu yeedheen Dhambaal-wadayaal farriimaha u kala qaada Usaama iyo ururka Al-Qaacida hoggaankiisa. Waxa ay sheegeen in ninkan oo ay muddo raadgurayeen, aakhirkii uu raadkiisu horraantii sannadkii 2011ka la soo galay magaaladan Abbottabad. Si kataba ha ahaato ee dulqaadkii iyo xirfaddii sirdoon ee ay CIA sheeganaysay in ay ku soo heshay Al-Kuweyti waxa ay sheeko baraley noqotay markii qaab masraxiyad ah loogu soo bandhigay filimka Zero Dark Thirty.
Warbixinta guddidii uu golaha wakiillada Maraykanku u diray in ay soo baadhaan xaqiiqada ficillada arxan darrada ah ee CIA oo sida aynu horeba u soo xusnay inta badan ay CIA majaro habaabisay si aan loo ogaan xaqiiqooyin badan, haddana waxaa weli ku cad su’aalo aad u badan oo ay guddidu iska weydiinayso tayada iyo isku hallaynta xaqiiqonimada xogta sirdoon ee CIA ay ka bixisay Al-Kuweyti.
Sannadkii 2005ta, warbixin hoosaad ay CIA soo saartay oo ka hadlaysay ugaadhsigii hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin, waxaa lagu sheegay in maxaabiis uu Maraykanku qabtay ay bixiyeen xogo gadhwadeen noqon karayey, laakiin haddana CIA waxa ay sheegtay in isku hallaynta xogtaa ay maxaabiista ka heshay qudheeduna taxaddarkeeda mudnayd, “Waxaa qasab ahayd in aanu xisaabta ku darsanno in maxaabiistani ay abuuri karaan xogo iyo qisas abuuraya shakhsiyaad aan jirinba oo ay nagu majaro habaabinayaan si dad run ah oo jira oo aanu raadkooda hayno ay indhahayaga uga leexiyaan, ama iyaga oo doonaya in ay muujiyaan sida ay uga fog yihiin ama aanay xog iyo xidhiidh midna ula wadaagin Usaama bin Laadin”
Hal sano kadib warbixintan ayaa xog ay CIA isgaadhsiinta isku weydaarsatay waxaa ka mid ahaa qoraal sidan macnihiisu yahay, “Kuma ‘aanu guulaysan, in aanu maxaabiista ka helno wax xog lagu hawlgeli karo ah oo la xidhiidha Bin Laadin” Sidoo kale warbixintan oo CIA ay gudaheeda uun ugu talogashay balse la helay waxa ay hoosta ka xariiqday dhowr tusaale, La Soco……