Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 11aad)

0
512

“Lama aanu xidhiidhin Baakistaanta, illaa dhammaan dadkayagii, iyo dhammaan diyaaradahayagu ay ka baxeen hawada dalka Baaksitaan” ayaa uu ku adkaystay Brennan.

dddddd

Brennan waxa uu bilaabay in uu u doodo Obama oo uu difaaco go’aankiisa isaga oo weliba ka dhigaya in uu yahay halyeey qaatay go’aan geesinimo leh. Waxa uu ku celceliyey in go’aanka Obama ku qaatay in uu amro weerarka guriga lagu qaaday uu ahaa go’aan geesinimo leh, isaga oo ku andacoonaya in Guriga Cad aanu illaa markii weerarka la qaadayey hubin in Usaama Bin Laadin uu gurigan ku jiro, “Weerarku intii aanu bilaabmin, Guriga Cad ma’ uu haynin wax war ah oo caddaynaya in Bin Laadin uu Kaamboolkan deggen yahay” ayaa uu yidhi Berennan iisaga oo Obama ammaantiisa ku sii daray, “Obama, waxa uu qaaday tallaabo aan u arko in ay tahay taariikhda dhow, tii ugu geesinimada badnayd ee uu qaato madaxweyne” ayaa uu yidhi Brennan.

Waxase yaab leh in Brennan uu isaguna kordhiyey tirada dadka ay ciidamada SEALS ku dileen dhismaha, waxa aanu a dhigay shan ruux oo kala ah, Bin Laadin, Nin uu ku sheegay Dhambaal qaadihii Usaama, ninkaas walaalkii, wiil uu Bin Laadin dhalay iyo mid ka mid ah dumar uu ku andacooday in ay isku xeereen Usaama si ay dhufays ugu noqdaan.

Brennan markii la weydiiyey, Usaama rasaas ma ku soo riday ciidamada SEALS, sida ay wararka qaarkood sheegeen? Waxa uu ku celiyey erey markii dambe uu Guriga Cad sida digriga ugu celceliyey oo ahaa, “Waxa ay is rasaaseeyeen ciidanka intii gashay guriga qaybta uu isagu ku jiray. Laakin marka aan runta idiin sheego, ma ogi in uu qolka hoos uga soo dhaadacay iyo in kale … Halkan ayaa uu joogay Bin Laadin kii, weerarradan ku (Maraykanka lagu soo qaado) ku baqaayey … waxa uu ku noolaa meel aad uga fog furinta dagaalka, oo uu isku daba qarinayey dumar oo xagga hore iska soo mariyey si uu rasaasta iskaga dhigo … tanina, keliya waxa ay caddaynaysaa shakhsiyaddiisa runta ah” ayaa uu yidhi Brennan.

Marka aynu dib ugu noqonno wasiirkii difaaca Robert Gates, waxa kale oo uu isagu si adag uga soo horjeeday, fikirkan uu dabada ka riixayey Brennan iyo Leon Penetta, kaas oo ahaa in sirdoonka Maraykanku ay warka halka uu Usaama Bin Laadin joogo iyo xogaha la xidhiidha ee loo baahnaa, ku heleen, ciqaab iyo jidh dil uu ka mid ahaa in qofka warka laga doonayo la moodsiiyo in biyo lagu qarqinayo. Waxan oo dhami waxa ay socdeen isla markii ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee hawlgalka ku soo dilay Usaama bin Laadin ay dib ugu soo duulayeen dhulkooda iyaga oo soo dhammaystay hawlgalkii. Masuuliyiinta CIA-duna waa ay la socdeen sheekada oo dhan. Sheekada loo malo-awaalay in laga dhigto shaadh lagu qariyo xaqiiqadana, waxaa allifiddeeda qayb ka ahaa sarkaalka hawlgabka ahaa waxa uu sheegay in cidda hawlgaka guushiisa lihi ay ahayd koox saraakiil hore oo hawlgab ka noqday CIA balse qandaraasyo ku qaata in ay khibraddooda ku caawiyaan hadba wixii looga baahdd. “Ragga qorshaynta arrintan qaabilsanaa ee CIA ka tirsanaa raggaas ayaa ay ugu yeedheen in ay ka caawiyaan curinta sheegada gabbashada ah. sidaa awgeed inta ay isu yimaaddeen ayaa ay soo jeediyeen su’aasha ah, maxaa diidaya in aynu sheegno in wararka ku saabsan Usaama Bin Laadin qaarkood aynu ka helnay waraysiyo aynu la yeelannay dad la qabtay?”

“Gates ayaa odayaashan u sheegay in aanay sheekadaasi shaqaynayn” Waayo Gates waxa uu ogaa in xilligii hawlgabka uu ku dhow yahay sidaa awgeed ma uu doonayn in shaqadiisa khaatumadeedu ay noqto arrin sidan u macno daran.

Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda, CIA iyo wasaaradda difaacu waa ay aqbaleen sheekadan samayska ah. si kastaba ha ahaato ee ciidamada SEALS marnaba uma’ ay malaynayn in Obama uu ka hadli doono Talefishanka oo uu ku dhawaaqi doono weerarkan. Caadi ahaan hawlgallada ay fuliyaan ciidamada gaarka ahi waa kuwo aan laga hadlin oo sir ah, waxa ay kuba faani jireen in hawlgallada amniga ee ay fuliyaan ay sir yihiin, waxaana isla markaasba jiray dareen ah in hawlgallo kale oo gaar ah loo baahan yahay. “Haddii hawlgalka warkiisa runta ahi baxo, sida caadiga ah cidda uu guriga cad ku eedayn jiray in ay warkaas bixisay waxa ay ahaan jirtay ciidamada SEALS” ayaa uu yidhi sarkaalkii hawlgabka ahaa ee inoo warramayey. Taas oo macnaheedu yahay in aanay hore u dhici jirin in warkani sidan imika oo kale Guriga Cad ka baxo. Sidaa awgeed waxaa iska caddayd in arrintani ay taaban doonto dareenka ciidanka hawlgalka fuliyey marka ay arkaan in warkii si aanu ahayn oo meelaha qaar xogta la bixiyey khatar ku tahay hawlgallada gaarka ah ee dambe. La soco…