Diiwaanka Maansada Timacadde- Maansayahankii Aan muraadsiga aqoon!

0
4207

W/Q Abwaan Yuusuf-shaacir

Qabyaalad iyo jeeroo la naco qaadkan lagu waashay

Qastijeeray  wadayeelatoo qawlka kuheshiiso

Qabyoweeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye

14kii June 2017 shirkadda daabacaadda ee Sagaljet waxay ii gudeeqday nuqul ka mid ah Diiwaanka Maansada Timacadde ee uu qoray Boobe Yuusuf  Ducaale oo dhawaan soo baxay. Sidaan filayo, dhawaanahana la soo bandhigi doonaa.

Guud ahaan waa buug soo-jiidasho leh marka loo eego qaabka uu  u

diryaarsanyahay,waxaanay markiiba ishaadu ku dhacaysaa sawirka Alle ha u naxariistee Marxuum Timacadde oo jaldiga sare ku yaalla. Waa daabacaaddii saddexaad oo sida muuqata shin-dhalad, tuur iyo tarbiicaba laga hufay. Intii aan buug suugaaneed arkayay waa kii ugu maansooyin badnaa,waxaana ku daabacan 150 maanso.

Cabdillaahi Suldaan oo ku caanbaxay Timacadde  wuxuu  safka hore kaga jiray halyeeyadii tirada iyo tayadaba lahaa ee naftooda u sadqeeyay halgankii gobanimo-doonkaa ahaa soona hooyay calanka maanta Soomaalidu ku faanto. Hibooyin is barkan ayaa Alle ku mannaystay Timacacde.Wuxuu ahaa maansoyahan Alle u sakhiray curinta ama falkinta tixeed sida uu isaguba  ku sheegay dhawr gabay oo ay ka midyihiin“Masoo ururiyo ee keyga waan igadh salaaxaaye" iyo “Meer meerimayo oo tixaan meel dhaw ku ogaaye.”

Waxaa kale oo cajiib ahayd haybaddii iyo luuqdii uu ku hantiyay dhegeha dadwaynaha taasoo aragtidiisa sugaaneed u gudbisay si sahlan marnaba kama uu  leexan mabaadii’dii uu u taagnaa ee ay ka mid ahaayeen waddaniyadda kuwaas oo ka dhex muuqda maansooyinkiisa sida uu ku sheegay tixo dhawr ah oo uu si guud dadweynaha ugu lahadlayey. Isaga oo ka digayay gacmo hoorsiga waa kii lahaa:

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada’e

Magaabada hashaadaa  ka roon, maydhanaan kale’e.

Cabdillaahi Suldaan wuxuu ka maansoon jiray qaybaha kala duwan ee nolosha sida dhaqanka,aqoonta waddaniyadda, wadajirka, midnimada bulshada iyo wacyigalinta umadeed. Dhinaca kale wuxuu si farshaxan  ah u tilmaamijiray diinta Islaamka isagoo aan baryada Alle aan ka ciijisi jirin. Bal eeg geeraarkan la-yaabka leh ee xamdi-naqa ah:

Casiiskii Nebi Luud

Kuwii caasi gareeyey

Ama ceebta yaqaanay

Habeen cawda u gooyay

Ilaahi iNebi Ciise

Cilmigiisa ku qaaday

Ee Cashaduu iman doono

Cawar see fugu dhiibayaw

Ilaahii caadil ahaayeen

Cabdigiisa ahaynoow

Waxba kuu caban maynoo

Adaacaalimul- qayb ah.

MaansadaTimacadde laba qodob ayaa ugu mudnaa. Midi waxay ahayd xornimo-doonkii aan xuduudda lahayn, ta kalena waxay ahayd digniintiiuu ka bixin jiray xumaanta iyo dib-u-dhaca qabyaaladdu leedahay. Tusaale kooban waxaa inoogu filan xilli uu socday dagaal sokeeye oo u dhexeeyey beeshiisa iyo beel kale ayaa lagu dirqiyey in uu maanso tiriyo oo uu u jawaabo gabyaa ka soo jeeday beesha kale. Hase yeeshee jawaabtii uu bixiyey waxay noqotay mid ka duwan tii la filayey. Indheer-garanadnimadiisu waxay keentay   dhinacyadii is ka horjeeda in uu ka dhigo ardaa kali ah. Waxaanu tiriyey tixdan hal qabsiga iyo maah maahda noqot ay

Doc hadday u wada jeesatoo dhawrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateen ee ways dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene

Goortay iswada tooxa taa daad u soogalay’e

Dugsi male qabyaaladi waxay dumi somooyeene

Mar kale isaga oo muujinaya nacaybka uu qabyaaladda u hayay wuxuu yidhi:

Nin qabyaalad beertaw wanaag kuuma soo boxo iyo

Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado

Abwaanku waxaa kale oo uu siwayn ugu  suntanyahay halgan kii xornimo-doon kaa haa. Suugaantiisu waxaya hayd guubaabo, kincin iyo caroog ka nixiya gumaysigii dalka haystay,taasaana sabab u ah in  qofkasta oo bulshada ka mid ah in ay isugu xidhanto calansaarkii 1960-kii iyo geeraarkii Timacadde ee uu lahaa:

Sayrmawaydo daroortay

Oo siigadii naga maydhayaw

Cidina kaanay nasiine

Saatir noogu yaboohayaw

Sarreeyow ma nusqaamow

Saaxirkii kala guuraye

Aan siduu yahay eegno’e

Kaanasiib kana saar

Dawladihii kala dabeeyey ee rayidka ahaa oo taariikhda ku galay eex, musuq iyo qaraabo-kiil Timacadde iyo qayrkiiba suluug weyn ayay ka muujiyeen. Waana waxyaabihii  soo dadajiyay  inqilaabkii ay ciidamadu kula wareegeen taladii dalka,walow aanu nidaamkii milatiriga ahaa  wax badan la shaqayn marka la gareebo dhawr tixood oo dhiirigelin ah oo uu bilawgii Kacaanka  curiyey kuwaas oo uu kudoonayey in wax laga qabto musuqa,eexda iyo wixii la hal maala . Waa kiilahaa:

Dhunkaal shilinku jeer uu noqdoo dhuunta mari waayo

Dhacarsiga ladayn maayo iyo dhiilkii lays baray’e

Dhaabbadaa aan soojilay haddii laga dhabayn waayo

Dhutis xaalku kama baaqsadee dhuuxa hadalkeyga

Cabdilaahi Suldaan  naxariistii janno Alle hasiiyee 1973kii ayuu ku xijaabtay Kalabaydh oo galbeed kaga toosan magaalada Gabiley. GeeridaTimacadde oo naxdinteeda lahayd waxay ka hadlisay hal-abuurkii magaca ku lahaa suugaanta Soomaalida. Aan soo qaadano tixdii Damaq iyo Xusuus ee uu Gaarriye ku sifeeyay Cabdulaahi Suldaan.

Gabaygii xalaashiyo

Xaqa sheeg ha joogtee

Dan kuxeeban jirine

Xeelihadal ku caan baxay

Mabda’aan la xadijirin

Suugaanta xaramka ah

Xurmadeedi yaa marin

Xaasha’e aftahanimo

Haddii uu xabaal galay

Xeeldheereheedii

Haddii xawda laga jaray

Faraskii xiddays naa

Xakamihii ayaa sudhi

Abwaan Hadraawi qoraal uu ku daray Diiwaanka MaansooyinkiiTimacade isna wuxuu ku yidhi:

Cabdillaahi Suldaan shaqsiyaddiisu waxay kugu dajirtaa gabayadiisa iyo erayadiisa. Gabayadiisa iyo erayadiisuna waxay ku dhex jiraan codkiisa. Codka CabdillaahiSuldaan cid waliba way ku qasbanayd in ay u dhegtaagto. Cabdullaahi Suldaan shaqsiyaddaas ayuu ahaa xayga ah ee aan intaxabaal lagu riday laga dareerin. Ilaa maanta Cabdillaahi Suldaan wuu dhexjoogaa dadka aqal walbana wuu yaallaa. Dareenkasta oo qof leeyahayba wuu weheliyaa,dhacdo kasta oo waddaniya Cabdilaahi Suldaan waa ka kaw. Mawqifkaan Cabdillaahi Suldaan ka taagnahay waa mid ixtiraamleh,  xaqdhawr leh, mudnaan leh,  kalgacal leh. Waa taa ta uu xaggayga ku leeyahay Cabdilaahi Suldaan. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo,innagana  gabayadiisu meel ha inoo buuxiyeen.

Wixii ay hal-abuurku ka yidhaahdeenTimacadde  iyo tixdiisa aan ku lingaxo geeraarkii ducada ahaaa ee abwaan Xuseen Aw Faarax.

Alle haw naxariisto

Oo ha u nuuro xabaasha

Iilka neecaw udgoon  iyo

Hakusiiyo naruuro

In uunaar ka xoroobo

Nabigii la xidhiidho

Nasiibkiisa la geeyo

Jannaduu ku negaado

Nimcadeeda ku waaro

Xuurayl cayn ku nikaaxo

Niyaddaan ka duceeyaye

Raxmaankoow igayeel.

Ugu dambayn, Boobe Yuusuf Ducaale oo muddo soddon sanadood ka badan ku raad joogay sooyaalkaTimacadde wuxuu innaga furtay xil iyo waajibaad ummadeed. Waxaan odhan lahaa, anigoo soo amaahanaya tixdii Cali Sugulle uu Muuse Galaal ugu boroordiiqay“Waad gudatay Boobow xilkii kula gudbaanaaye.  Xigasho Xushmad leh Diiwaanka Maansadii Timacade.