Diiwaangelinta Oo Maanta Ka Bilaabmaysa Gobalka Sool

0
861

Hargeysa(Geeska)-Diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee sannadka dambe, ayaa la filayaa inay maanta ka bilaabanto gobalka Sool, waxaanu noqonayaa gobalkii u dambeeyay.

ddd

Munaasibad loogu wanqalayo bilowga diiwanagelinta ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool, waxaana ka qayb galaya madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo madaxda saddexda xisbi ee KULMIYE, Waddani iyo UCID.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay gaadhay magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool oo si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana weheliya murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isna shalay gaadhay magaalada Lascanod, waxaanay goob joog ka noqonayaan iclaaminta diiwaangelinta ka bilaabmaysa gobalka Sool oo ah gobalkii u dambeeyay ee laga diiwaangeliyo dadka codayn doona doorashooyinka sannadka dambe dalka ka qabsoomaya.