“Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Muddo Kordhintaba Sabab La’aan Kumay Iman Ee Duruufo Ayaa Keenay”Axmed Cabdi-dheere, oo ka tirsan madaxda KULMIYE

0
605

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in aanay sinaba Somaliland iyo Somaliya dib u midoobi doonin, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay in aanay iska indho tirin madax banaanida Somaliland ee aqoonsiga ay u baahan tahay siiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhaliilaha Beesha Caalamka ee ku saabsan  dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka iyo muddo kordhinta Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in aanay sabab la’aan  ku iman ee ay duruufo keeneen, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya madax banaanida Somaliland “Wadanka Somaliland, waa Wadan hore uga tirsanaa Caalamka, markii uu xoriyadiisa ka qaatay Ingiriiska ayuu Somaliya la midoobay, balse cadaadiis iyo dhib badan kadib Shacabka reer Somaliland dib ayey ula soo noqdeen xoriyadoodii ka luntay, Beesha Caalamkuna wey aragtay in aanay sinaba suurtagal u ahayn in Somaliland ay la midoowdo Somaliya, ee aqoonsiga ay Shacabka Somaliland u ooman yihiin ayaanu Beesha Caalamka marti uga nahay, waxaana xaqiiqo aan la iska indho tiri karin ah in Shuruudihii looga baahnaa dal inay Somaliland buuxisay, oo Doorashooyin baa ka hirgalay, Dimuqraadiyad baa ka hirgashay, nidaamkii qaabilka waa laga baxay, oo waxa loo gudbay nidaamka Xisbiyada badan, oo qof walba Xisbiga uu doono ayuu codkiisa siinayaa, halka Somaliya aanay intaasiba wali ka hirgalin”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dhaliilaha Beesha Caalamka ee ku saabsan dib u dhaca Doorashada ayaa yidhi “Dib u dhaca Doorashooyinka iyo muddo kordhintaba sabab la’aan kumay iman ee duruufo ayaa keenay, waxa dhab ah haddii aanay duruufahaasi jiri lahayn inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhici lahayd, haddii aynu tusaale u soo qaadano dib u dhaca Doorashadii ugu dambaysay, dalka abaar baahsan oo dadkii iyo xoolihiiba haleeshay baa ka jirtay, abaartaas ayaana keentay in Doorashada dib loo dhigo, waxaana xaqiiqo ah in Wadan qudhana aanu Doorashada qabsan karin iyadoo dadkiisu dhiban yihiin oo abaari iyo dar-xumo hayso, Xisbiga Kulmiye haddii aanu nahayna mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu Doorashada galno, horena waa kii Madaxweynuhu u sheegay in aanu diyaar u ahayn muddo kordhin, ee dantuun baa keentay in Doorashadu dib u dhacdo”.