Dib U Dhaca Doorashada Oo Saamayn Ku Yeeshay Kaadh Qaadashada Cod Bixiyayaasha

0
576

Hargeysa(Geeska)-Dib u dhaca doorashada golaha wakiilada Somaliland ayaa saamayn toos ah ku yeelatay qaadashada kaadhadhka cod bixiyayaasha. Sidaas waxa sheegtay warbixin ay soo saartay dalada SONSAF ee ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahayni.

Daladda SONSAF ayaa warbixinteeda waxay ku sheegtay in qaadashada kaadhadhka cod bixintu si nabadgelyo ah uga bilaabantay gobalada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Sanaag. Laakiin la arkayay arrimo ay ka mid tahay wacyigelinta dadweynaha oo aan ahayn mid xoogan.  SONSAF waxay sheegtay in goob-joogayasha maxaliga ahi soo gudbiyeen in uu habac ka muuqday farriinta wacyigelinta ah ee dadka loogu sheegayay inay kaadhadka qaataan, kuwaas oo aan sidii loo baahnaa loo faafin.

Inkastoo ay jireen baabuur la saaray sameecado oo ahaa kuwo wacyigelineed, haddana warbixinta SONSAF waxa lagu sheegay in baabuurtaas oo ku wareegayay magaalooyinka waaweyn loo baahanyahay qaabab kale oo looga wareego wacyigelinta noocaas ah.

“Goob joogayaasha maxaliga ahi waxay sheegeen in wejigan labaad kaadhadh qaadashada inaanay bulshada gobalada laga bilaabay aanay si wanaagsan u abaabulnayn marka la barbar dhigo wejigii hore ee isdiiwaangelinta.” ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay in hoos u dhacan laga dareemayay deegaanada miyiga.

Warbixinta SONSAF waxa ay hoos u dhacan ku xidhiidhisay dib u dhaca doorashada golaha wakiilada, iyadoo ay xildhibaanadii tartamayay wejigii hore ee diiwaangelinta ku dhex dhaceen dadkooda islamarkaana ay abaabul wanagsan sameeyeen.  “Dib u dhaca doorashada golaha wakiilada ayaa si gaar ah hoos ugu dhigtay wacyigelintii bulshada iyo is abaabulkii dadka dhexdooda ee socon jirtay wakhtigii la isdiiwaangelinayay. Goob joogayaashu waxay tilmaameen in wejigii hore ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha ay murashixiintii aqalka golaha wakiiladu si is daba joog ah u abaabulyeen miyo iyo magaalaba inay dadku isdiiwaangeliyaan.” sidaas ayay tidhi warbixinta SONSAF.

Warbixintan waxa lagu sheegay in wasiirka waxbarashada, badhasaabka gobalka Awdal, maayarka Degmada Borama iyo xildhibaano reer Awdal ahi ay walaac ka muujiyeen qorshaha qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta, iyagoo cambaareeyay guddiga doroashada.

Hase yeeshee talooyin warbixinta la socday ayay SONSAF talooyin ugu soo jeedisay masuuliyiinta dawladda inay ka taxadiraan talaabooyin eeddo loogu jeedinayo kaadhadh qaybinta iyo doroashooyinka, maadaama oo ay dawladu si guud masuul uga  tahay hawsha diiwaangelinta iyo doorashooyinkaba.

“Masuuliiyiinta dawladda ee gobalada, degmooyinka iyo kuwa heer qaran waxa looga baahanyahay inay guddiga doorashooyinka kala shaqeeyaan wixii la xidhiidha qaybinta kaadhadhka cod bixinta iyo wax kasta oo ka soo baxa hawshan.” ayaa tidhi warbixintu.