Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madaxda Dunida (1): Boqorkii Xidhmada Shaaglaydhka Ah Ku Xaday Qalbiga Amiiradda

0
661

1Hargeysa (Geeska)- Jacaylku waa dareen yaab badan oo jiritaankiisa iyo qeexdiisuba aadamaha ka dhex abuuraan doodo iyo falanqayn aan dhammaad lahayn, waxa aanu ka mid yahay mawduucyada qisaska la xidhiidha loogu xiisaha badan yahay dunida oo dhan. In badan ayaa la maqlaa ruux jacayl haleelay iyo suugaan tiro badan oo hal-abuur kala duwani ku cabbirayaan dhalin iyo waayeel uu jilbaha dhulka u dhigay, laakiin caadi ahaan ma dhacdo in laga warramo arrimaha jacaylka iyo haasaawaha ee boqorrada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo hadal haynta dhinacyadooda kale aad loogu mashquulo.

Qormadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey.

Xidhmo Shaglaydh ah ayaa qalbiga amiiradda xadday:

Buugga “Fursaddayadii u dambaysay” oo uu qoray boqorka dalka Urdun boqor Cabdalla Bin Al-Xusayn (Boqor Cabdallaha Labaad) waxa uu kaga waramay sida uu ugu dhacay jacaylka xaaskiisa Raaniya iyo weliba sida uu ahaa kulankoodii koowaad.

Boqor Cabdalla waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah oo uu ka soo noqday tababarro milateri, ay walaashii Caa’isha Casho ku casuuntay. Si uu nafta uga soo nasiyo Faasuuliyihii iyo baastadii qasacadaysnayd, ee labadii bilood ee u dambeeyey ku bariinsatay saxaraha ay ku taallay xerada milateri ee uu tababarka ku qaadanayey, casuumaddan Cabdalla si dhaqso ah ayaa uu walaashii uga aqbalay.

Boqor Cabdalla oo markaas waxa uu sheegay in aanu filayn in cashadan uu xiisaynayaa u waddo gabadh uu aragtida koowaadba jeclaan doono noloshana la wadaagi doono. Waa Raaniya Yaasiin oo uu ku tilmaamay in ay ahayd fariid Falastiiniyad ah oo 22 sano jir ahayd markaas, rasiinnimadeeda, maskaxda iyo fariidnimada uu ka arkay iyo kalsoonida ay isku qabtay oo lagu daray quruxda iyo jalaqsanaanta Alle u dhaliyey ayaa qalbiga Cabdalle ku taagay waran caashaq.

Amiir Cabdalla oo xilligaas aan weli xilka boqornimo qaban, waxa uu sheegay in gabadhan oo aanay ereyo badan is odhanin, markii uu isu sheegayba ay si khajilaadi ka muuqato ugu sheegtay in ay warar badan ka maqashay, iyada oo ugu duur xulaysa in wararka ay ka maqashay aanay ammaan iyo wanaag u badnayn. Isla markiiba amiirku waxa uu isku dayey in uu qalbiga gabadhan quruxda badan u dhowaada, waxa uu xansaday waxa ay jeceshay oo uu ogaaday in ay Shaglaydhka aad u xiisayso. Amiir Cabdalla kuma uu niyadjabin hadalka ay u sheegtay ee ah in aanay ammaan badan u haynin, balse waxa uu markiiba qof labadoodaba saaxiib la’ ahaa ugu soo dhiibay hadyad ah Shaglaydh nocoa qaaliga ah ee lagu sanceeyo dalka Belgium ka.

Boqor Cabdalle waxa uu buuggiisan ku qirayaa in uu Raaniya si aad ah  u jeclaaday, muddana daba roorayey si uu ugu qanciyo caashaqa uu u hayo, isaga oo weliba jacaylka inta uu qarsan kari waayey xitaa aabihii Boqor Xusayn Bin Dalaal u sheegay. Aakhirkiina waxa uu Raaniya ku qanciyey guurka ay illaa maanta oo uu boqorka dalka Urdun yahay ku wada joogaan.

Raaniya Yaasiin tan iyo sannadkii 1993kii markii ay is guursadeen boqor waxa ay ku dadaashaa in ay iyada iyo qoyskeeda oo boqorku ku jiraa dadka ku dhex jiraan oo ay yareeyaan farqiga kala sarraynta iyo kala fogaanshiyaha ee mansabka ay kala taagan yihiin bulshada, waxaana lagu tiriyaa marwooyinka boqorradu qabaan dhowrka ka mid ah ee iyagu inta ay qasriga ka soo dhaadhaceen bulshadooda ku dhex milan, kuna dadaala in saygooduna tubtaas maro.