Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Napeleon: Halyeeygii Dagaalka Ee Caashaqa Ku Hungoobay

0
739

Paris (Geeska)- Caashaqa ka maydhmi waayey qalbiga Napoleon waxa uu ahaa kii uu u qaatay haweenaydkii xeeladaha badnayd ee Josephine. Qoraaga iyo hal-abuurka kala duwan ee qisadan wax ka yidhi waa ay isku khilaafeen qaabka ay marka hore ku bilaabatay. Qaarkood waxa ay sheegeen in mid ka mid ah Napoleon saaxiibbadii oo yaqaannay gabadhan oo nin hore ka dhintay inan yarna haysata uu is baray. Kuwo kalana waxa ay sheegaan in mid ka mid ah laba carruur ah oo ay Josephine hooyo u tahay uu sabab u ahaa isbarashadii Napoleon iyo Josephine waana tan ta sida aadka ah u soo noqnoqotay ee aynu qormadeenanna ku soo qaadanayno.

Kate Williams oo ah qoraa u dhalatay dalka Ingiriiska oo bug 300 oo bog ah ka qortay taariikhda Faransiiska ayaa ka sheekaysay qisadan jacayl oo ay tidhi, “Waa la isku khilaafsan yahay sida uu ku yimi kulankii koowaad ee Napoleon iyo Josephine, laakiin qisada ugu dhowi waxa ay sheegaysaa in Josephine oo uu qabi jiray nin ka tirsanaa ciidamadii uu taliyaha u ahaa Napoleon oo dil lagu fuliyey, uu wiil ay ninkaas u dhashay u tegey Napoleon isaga oo dalbanaya in la siiyo seeftii aabihiisa la dilay ee Kont Bohman. Markii uu wiilkii hooyadii ku soo noqday waxa uu uga sheekeeyey macaamil wanaag, soo dhoweyn iyo akhlaaq aad u sarraysa oo uu kala kulmay Napoleon.

Sheekad wiilkan ayaa hooyadii Josephine ku beertay xiise ah in ay ninkaas la kulanto oo ay barato. waxa ay go’aansaay in ay ku casuunto kulan casho ah oo ay uga mahadnaqayso macaamil wanaagga uu wiilkeedu ka tirsanayo.

Markii cashadii la isugu yimid, durbadiiba qalbiga Imbaraadoorka waxaa gabadhan u galay xiise si xawli ah u xoogaysanaya. Dadka yaqaannay waxa ay sheegeen in Josephine aanay ahayn gabadh sidaa u qurux badan balse waxa Napoleon soo jiitay uu ahaa ragannimada ku jirta gabadhan, garaad badnideeda, firfircoonida ka muuqatay iyo tan ugu daran oo ahaa codkeeda oo lahaa awood dheddig oo si sahal ah u jebin karta qalbiga nin kasta oo ad-adkaan isku tuhmaya”

Kulankaasi waxa uu bilow u noqday kulamo is xigxigay oo kala go’ aan lahayn, aakhirkiina qalbiga Napoleon ku beeray caasha xoog badan oo xitaa daah ka saaray da’da lixda gu’ ah ee ay gabadhani ka weyn tahay. Iyada oo xilligaas dhaqan ahaan arrintani macne weyn lahayd. Kulamadoodi waa ay bateen, dagaalyahankan aanay geesinimadiisa ku murmi jirin nacab iyo nasteexba oo markaas ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada boqortooyadu waxa uu si fiican u arkay in jidhkiisa ay ku taallo qayb aan ahayn gacantiisa aan cadowga u naxariisan, maskaxdiisa waxa keliya ee ay ka fikirtaa ahaa qorshaynta iyo xeeladaha dagaalka iyo labadiisa lugood ee marka uu dagaal ka soo faraxashaba mid kale u kaxayn jiray. Haa waa qalbigiisa oo hadda ka hor aanu ku baraarugin in uu leeyahay doonis nooc kale ah iyo himilo nololeed oo raaxo doon ah, saamayn awood bandanna ku leh go’aan qaadashada maskaxda.

Gabadhan oo da’da ay ka weyn tahay ay u dheerayd waayo-aragnimo badan oo dhinaca Ragga ahi waxa ay Napoleon bartay in gacmaha laftoodana uu u adeegsan karo shaqo aan ahayn in uu ku dagaalamo oo keliya. Inta uu seeftii iska dhigay ayaa aanu qaatay qalin, markaas ayaa uu waraaqo jacayl ah oo badankoodu illaa hadda diiwaannada taariikhda ku xusan yihiin u qoray jacaylkiisa cusub.

Jacaylku waxa uu si dhab ah u galay qalbiga Napoleon laakiin lama hubo in Josephine ay jacayl ba u qaadday Napoleon, warqaddii ugu horreysay waxa uu u qoray bishii Feebarweri ee sannadkii 1796kii, ereyada uu jacaylku ka hooray ee uu qorayna waxaa ka mid ahaa, “Maalin keliyi ima soo marto aniga oo aan ku jeclayn, habeen keliyana waagu kama baryo aniga oo aan ku riyoon adiga oo labadayda gacmood ku dhex jira oo aan ku Hab-siiyey. Koob Shaah ah ma cabbo aniga oo aan nacdalin sharafta iyo himilada sababta u noqday in aan ka fogaado ruuxdii noloshayd. Aniga oo shaqadayda ku gudo jiro, aniga oo ciidanka hoggaaminaya, marka aan dhex wareegayo taandhooyinka xerada ciidanka,  iyo mar kastaba Jospephine ayaa kelideed kelideed dhex fadhida qalbigayga, oo mashquulisa fikirkayga iyo maskaxdayda oo dhan…”