Paris (Geeska)- Napoleon Bonaparte waxa uu ahaa hoggaamiye Milateri oo u soo taliyey dalka Faransiiska, boqornka ka noqday Talyaaniga iyo Imbaraadooriyaddii Faransiis. Faransiiska waxa uu u taliyey dabayaaqadii Qarnigii 18aad, isaga oo markaas ku magacownaa Qunsulka ama wakiilka guud, kadib isaga oo Imbaraadoor ah ayaa uu isla Faransiiska u taliyey tobankii sano ee u horreeyey qarnigii 19aad, waxa aanu saamayn ballaadhan oo dhinaca dawladnimada iyo siyaasadda ah ku yeeshay qaaradda Yurub oo dhan.
Marka aynu ka tagno taariikhdiisa siyaasiga ah Napoleon waxa uu ahaa hoggaamiye leh qisas xidhiidho dumar iyo jacayl ah oo aad u tiro badan. Marar bandanna qoraallo xiise badan laga sameeyey sheekooyinkiisa jacayl oo badankoodu aan guulaysan ama dhibaatooyin iyo turaan-turrooyin waaweyni ka hor yimaaddeen, illaa heer ay gaadhay in dadka wax ka qoray qisaskiisii jacayl, qaarkood ay qoraan in sababta geesinimadiisa dagaalkuba ay ahayd ciilka uu ka qaaday jacaylladiisa fashilaaddu baraysatay.
Napoleon waxaa jacaylka ka soo maray waayo adag iyo xaalado nabar ku noqday qalbigiisa oo aanu abid ka bogsoon, bilowgii intii uu weli da’ yaraaba waxa uu jeclaaday Carolina oo ahayd 16 jir la walaal ah xaaska walaalkii, oo aabaheedna ahaa ganacsadaha dharka ee xilligaas ugu weynaa Yurub, laakiin jacaylkaas waxa uu kala kulmay dhirbaaxadii koowaad, kadib markii inanta aabaheed uu u diiday in uu u guuriyo, isasga oo ka calool xun macaamil xumada inantiisa hore ay kala kulantay Napoleon walaalkii. Napoleon Bonaparte markii uu Carolina aabaheed u tegey si uu u weydiisto waxa uu ugu jawaabay erey taariikhdu qortay oo ahaa, “Qoyska reer Bonaparte barashadiisa qof keliyaa igaga filan” isaga oo ugu duur xulaya in walaalkiisa ka weyn uu bartay sidaa awgeed aanu qof dambe oo qoyska ka mid ah inantiisa ku aaminayn. Mar dambe Carolina oo sidii ay ku kala hadheen Napoleon Bonaparte waxa ay noqotay boqoradda dalka Sweden, waxa aanay guursatay nin ka mid ahaa raggii ay sida aadka ah ay colaaddu uga dhexeysay Napoleon.
Napoleon oo dhirbaaxooyin kala kulmay waayaha nololeed iyo xidhiidhka bulsho waxa uu iskii isu qoray ciidamada, waxa aanu noqday dagaalyahan geesinimo ku caan baxay, gaar ahaan waxa uu madaxnimada ku soo dhowaaday oo halyeey loo aqoonsaday markii uu sida foosha xun u gumaaday dad diiddanaa xukunka boqorkii xiligaas.
Tan iyo waagaa uu caashaqa koowaad ku hungoobay, Napoleon waxaa soo maray xidhiidho dumar oo tiro badan, mid kastaana qisadiisa iyo xiisihiisa leeyahay, waxase ugu mudnaa caashaqii guunka ahaa ee isaga iyo haweenayda lagu magacaabi jiray Josephine oo qoraaga qaarkood ay sheegaan in ay ka khiyaamo iyo xeelado badisay Napoleon oo ahaa nin caan ku ah in aanu ku koobnaan keliya xaaskiisa ama gabadha uu xidhiidhka la leeyahay.
Qisaska caashaq ee Napoleon ee taariikhdu illaawi weyday waxaa ugu mudan midka uu la la’ahaa haweenayda taariikhyahannada qaar ku magacaabeen gashaantidii dabinka jinsiga ku ridday Napoleon oo ah haweenayda aynu qormadeennan qisadeeda oo faahfaahsan ku soo qaadan doonno. “Napoleon waxa uu ku guulaystay in uu jebiyo ciimadii Yurub oo dhan, gudahana u galo dhufaysyadii ugu adkaa Yurub, laakiin waa uu awoodi waayey in uu galo qalbiga Josephine” ayaa uu yidhi mid ka mid ah ragga wax ka qoray qisadan jacayl ee Napoleon.