Xasanow xoolodhaqasho iyo haddaad xilli ka weynaatid
Saw dharaaro tegay xusuustood dib uma soo gocatid
Madaxweynaha dawladda Maraykanka ee hadda ,Mudane Baraak Xuseen Obama ,ayaa waxa uu ku dhaleeceeyey dadka Maraykana ihi inay ku dhacaday wax uu ku tilmaamay “ Empathy Deficiency “ oo micnaheedu yahay isu damqasho la’aan. Maxaad u malaynaysaa dadka Soomalida ah meel kasta ha joogeen ,iyana ma ku dhacay cudurkani ?mise weligoodba wuu hayey ? oo waa waxa buruburka ugu wacan. Maalin dhowayd ayaan soo ag maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooyada oo guri dawladdu lahayd laga burburinayey meel u dhexaysa , oo dadkii ku jiray meel kale loo raray. Sannadkii 2000 aniga oo ahaa markaas Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliland , ayey Wasaaraddu u baahatay xafiisyo cusub iyo meel baaburta lagu xereeyo , markaas ayaa la qorsheyey in dhinca bari loo fidiyo oo gurigaaas iyo aagiisa Wasaaraddu la wareegto. Haddaba iyada oo arrintii qorsho tahay oo weli aan lala xidhiidhin Wasaaaraddii Hawlaha Guud oo aan Madaxtooyadii ogolaansho laga helin ;ayaan subaxdii dambe boostadii wasaaradda ka helay warqad ay soo wada qoreen laba wiil oo yaryar oo walaalo ah oo degganaa guriga la duminayo . Waxay ku sheegeen warqadooda inay yihiin agoon oo ay baalashleyaal yihiin, Cid kalena aanay lahayn sidaa darted waxay igu yidhaahdeen “ Wasiir miyaad naga duminaysaa guriga “ Degdeg ayaan ugu jawaabay oo ku idhi adeer idinka duminmaayo ee ku jira gurigiina. Qudhaydu dhawr jiir ayaan kabaha ka casaystay oo shaqaalaha Wasaaradda ayey kabaha u xaydhayn jireen.Hase yeeshee war uma hayn inay guriga ku jiraan .
kal hore (2012 ) aniga oo fiisa u doontay xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ayaan sii ag maray gurigii oo aan ku xusuustay dhacdadii ,markii aan cid weydiiyey halka ay ku dambeeyeen labadii wiil, waxa la ii sheegay inuu midkood u shaqeeyo wakaaladda biyaha . Kii kalena uu shaqo la’ yahay. Hase yeeshee waa dad koray oo qaan gaadhay manta oo aan sidii hore carruur ahayn . Meeshii iyo gurigii ayaa loo baahday iyana la macasalaamey.
Sannadkii 1990 aniga oo ahaa Wasiirka kalluumaysiga ee dawladdii Soomaaliyeed ee xilligaas ,ayaa xafiiska Wasiirka oo ahaa dabaqa saddexaad waxa iigu soo galay wiil dhalinyaro ah oo gurguuranaya. Markaas ayaan u holaday inay lacag siiyo aniga oo mooday qof miskiin ah oo dhawrsanaya. Kurisi ayuu soo fuulay curyaankii oo yiri” Wasiir ku dhawrsanmaayo ee shaqaalaha Wasaaradda ayaan ka mid ahay ; oo waxa aan joogaa arkiifiyada “. Maadaama aan ku cusbaa meesha ma aan wada arag shaqaalaha. Waxa uu igu yidhi “ Waxan u baahan ahay in la ii gadao mootada dadka curyaamiinta ee matoorka leh” Waa ka balan qaaday oo amray in loo iibsho . Aroor dambe ayaa guddigii shaqaalaha ee Wasaaradda iigu yimaadeen xafiiskii;
waxay igu yiraahdeen wasiiro badan oo kaa horeeyey ayuu codsigaas ula tegay inankani , waxba umay qaban ; saaka ayuu shaqadii yimid isaga oo wata mootadiisii, aad ayaa shaqaalihii ugu farxeen. Waxa aanu kuugu ducaynaynaa inankan dhulka ayaad ka qaaday ilaahay sare ha kuu qaado ,aamiin ayaan idhi. Mar mar ayaan xusuustaa oo isweydiiyaa tolow ma ka badbaaday burburkii xamar curyaankii.
Haddaba Isu-daqmashada xadiisyo badan oo saxiix ah ayaa lagu wariyey ,hase yeeshee sida uu nin waxgarad ihi u tilmaamay waxba kagama duxin dadkii . Waxa uu ninkaasi sheegay in diintu tahay durdur meel sare oo buur ah ku yaal oo biyo celcelyo , qabaw ah oo wanaag farid ah , dadkuna waa dhagxaanta dhextaal oo biyuhu marayaan. Haddii dhagxaantaas boqolaal sano dhextaal la kala jebiyo waxa la arkaa iyaka oo hoosta ka qalalan oo biyihii aanay gaadhin . Wax yar oo dhagxaanta ka mid ah ayey biyuhu hoos u gaadhaan oo burbura. Dadkuna sidaas dhagxaanta ayuu kala yahay. Siyaasadda iyo maarayntu ,waxay u baahan yihiin isu-daqmasho iyo isu- naxariisi , loo daqmado oo loo njaxariisto dadka ,degaanka ,dhirta iyo xayawaanka kaleba . Taas oo horomar, dulqaad iyo nabad lagu gaadho. Haddii madaxda laga waayo tilmaamahaas waxa dhalanaya keligii tashi, kala-bursad ,kala shaki iyo iska horimaad bulshada dhexdeeda.
Comments are closed.