Hargeysa ( Geeska) Taageerayaal ka tirsan Garabka Jamaal Cali Xuseen oo isagu jira Haween, Dhalinyaro iyo Waayeel ayaa waxay ku booriyeen oo Garabka Jamaal Cali Xuseen kula taliyeen inay ku biiraan Xisbiga Waddani.
Gudoomiyihii xisbiga UCID ee Degmadda Gacan Libaax, oo hadda taageersan Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa wuxuu yidhi “Waxaanu halkan baaq uga diraynaa Musharax Jamaal Cali Xuseen oo aanu leenahay maadama oo hawshii Xisbigu halkaa marayso in aad adiga iyo taageerayaashaduba aad ku biirtaan Xisbiga Waddani ayaanu kugula talinaynaa”
Xildhibaan Cabdi Aw Aadan Wayrax, oo isna ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, garabkana taageersan ayaa yidhi “Xisbiga UCID waxa uu ahaa New Ucid oo xisbi kale oo ka horeyey ma jirin, Hadii xisbigii caynkaas ahaa uu sidan u dhacay oo Dimiquradiyadii ay dhicis noqotay oo dawlad waxa ilaalisa la waayey oo sharci waxa toosiyana la waayey waxaan kula talinayaa Garabka Jamaal Cali Xuseen, inaydaan kala furfurmin oo aad u midawdaan dantiisa oo aydaan ku milmin Cinsuriyadan iyo Qabyaaladan iyo Xisbiyadan la baabiyey”
Oday Ibaarin Faarax Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadalay ayaa isna ku taliyey in aani jamaal ku biirin Xisbiga kulmiye ee uu ku biro xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in ay u hogaansanyihiin Jamaal Cali Xuseen oo ay raacayaan halka uu tago wadani iyo kulmiye, balse ay ku talinayaan in uu ku biro Xisbiga Waddani,
Oday Axmed Jaamac Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Jamaalow waxaanu ku leenahay Xisbigii baanada la galay Xisbigaagii ee idin kala gaxeeyey adiga iyo Faysal ayaad leedahay waan galayaa kuguma raacsanin anaga oo marwalba ku qasban halka aad gasho waxaad ogaata isaga ayaad u dacwootay, isaga ayaan baanada kula galay”
Gudoomkiyaha garabka Dhalinyarada ee Degmadda 26 June ayaa isna kula taliyay Jamaal inaanu ku biirin xisbiga KULMIYE.