Dhallinyarada Xilalka Ka Haya Xukuumadda KULMIYE Oo Casuumay Prof Axmed Samtar

0
475

Hargeysa (Geeska )- Dhallinyarada xilalka ka haya xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa kulan casuumad sagootin ah la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka xisbiga ee diyaariyey barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo qorshayaasha mar labaad xisbal-xaakimku ku doonayo inuu talada waddanka hanto.

1

Kulankan waxa lagu gorfeeyey xaaladda dalka, siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo qorshayaasha hoggaamineed ee xisbiga KULMIYE ku duuli doono mustaqbalka, waxaanna si wayn looga hadlay barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo arrimaha wax-wadaqabsiga ku salaysan ee bulshada iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo isna ka hadlay kulanka, ayaa ku bogaadiyey aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ka mid noqoshadiisa xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid madaxdiisu aragti iyo hoggaamin dheeryihiin qaarkood, waxaannu yidhi, “Anigu hore ayaanb qiimayn u sameeyey oo aan la kulmay guddoomiyayaasha xisbiyada oo dhan, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE wuxuu noqday hoggaamiyihii fikradihiisa aannu si fiican isku fahanay oo maalin keliya oo aan la kulmay Muuse Biixi ayaan ogaaday inuu ka waayo-aragsanyahay oo uu aragtida Somaliland xagga loo qaadayo uu aad ugaga dhawyahay, markaa hoggaaminta Muuse Biixi waan uga markhaati kacay Prof. Samatar.”

Masuuliyiin ka mid ah dhallinyarada ka qaybgalay kulanka oo ay ka mid yihiin;, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee heer Qaran Md. Cabdi Najax Siyaad Aw Cabdi, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame Jaamac, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kuwaas oo dhammaantood uga mahadceliyey Aqoonyahan Samatar dadaalka uu ugu jiro sidii xisbigu mar labaad u guulaysan lahaa, isla markaana waxay tilmaamo ka bixiyeen xisbiga KULMIYE, guulaha xukuumaddiisu gaadhay muddadii uu xilka hayey iyo xaaladda guud ee waddanka.

Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad ka jeediyey kulanka, ayaa ka mahadceliyey maamuuska loo sameeyey, isagoo dul istaagay in xisbiga KULMIYE dalka waxqabad muuqda ka hirgaliyey, isla markaana waxa uu sharraxaad ka bixiyey ajandayaasha ugu waawayn ee barmaamij-siyaasadeed xisbiga KULMIYE damacsan yahay inuu mustaqbalka ku sii hoggaamiyo dalka, kuwaas oo taabanaya qaybaha nolosha aasaasiga ah ee bulshada.

“Xisbiga KULMIYE masuuliyaddiisa ugu wayni waxa weeye wixii la qabtay inta la shaandheeyo inta ugu xoogga wayn leh bannaanka la soo dhigo, kadibna lagu xidho wixii aragti cusub ah ee xisbigu diyaarka u yahay in la qabto oo isna ah mid culus, markaa labadaa haddii la isku xidho oo codkeedii iyo nidaamkii dadka loo gaadhsiinayey si wanaagsan loo dhigo anigu waxaan qabaa xisbigu inuu guulaysanayo oo weliba guul wayn uu gaadhayo. Is-xukunka Somaliland ee iminka 25ka sanno iyo dheeraadka soo jiray wax badan buu qabtay, laakiin waxa la soo gaadhay baan anigu qabaa in xawaare cusub la galayo, markaa waxaan qabaa Somaliland hadda shaqo iyo fikrado cusub bay u baahan tahay oo ka qaada halkii la keenay, KULMIYE waxaynu ka rajaynayaa inuu taa keeno,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.