Dhalinyarta Somaliland: Gaashaan-Qaad Aan Garab Haysan

0
585

bvAlle ha’ u raxmaado ee Madaxweyne Cigaal ayaa mar uu booqasho ku tegey Maraykanka oo uu la kulmay jaaliyadda Somaliland su’aalihii la weydiiyey, haddii aanan qaldanayn, waxaa ka mid ahayd mid nuxurkeedu yahay bal in uu diyaariyey/Tababaray dhalinyaradii isaga iyo inta jiilkiisa ah ee markaas talada u badnayd ka reebi lahayd kursiga, macnaha guud ee jawaabta uu bixiyey waxa ay ahayd, “In aanu isagu kursiga xoog ku qabsan ee uu doorasho ku yimi, ciddii imanaysa dabadiina laga rabo in ay tubtaas soo marto” ama hadal ku macno dhow. waqtigaas hadalkaasi aad buu maankayga u deeqay, weliba waxa aan u maleeyey in ruuxa madaxweynaha su’aashaas weydiiyey aanu si qaan-gaadhnimo ah u fikirayn, maadaama oo uu doonayo in la sii diyaariyo ciddii talada la wareegi lahayd, oo aanay iyadu is diyaarin.

Sannado doora kadib ayaa waxa aan maalin maalmaha ka mid ah majallad afka carabiga ku qoran ka akhriyey qiso, macnaheedu uu maskaxdayda ku qasbay in ay mar labaad dib u soo gocoto hadalkii Marxuum Cigaal, balse markan si sidii hore ka duwan aan u fahmay, una garaabay ruuxii su’aasha weydiiyey, qisadaasi aan akhriyey waxa ay leedahay, “Waxaa beri jiray shabeel aad u xoog badan, da’ ahaanna gaboobay oo hogaamin jiray raxan (Beel) Shabeello ah. Waxa uu ahaa hormuudka iyo halyeeyga u soo ugaadhsada maxasta iyo duqayda hawlgabka ah, haddii laga tegi waayo shabeellada waaweyn ee ku xeeran waxa uun uu u diri jiray ugaadha taagta daran ee uu itaalkiisa kala xishoodo, in ay nafta ka dhammeeyaan ta’ uu isagu dilo iyo in marka dambe intii taagta darnayd ugu habar-wacaan hilbaha.

Maalin maalmaha ka mid ah oo la isu diyaarinayey hawlmaalmeedkii ugaadhsiga ahaa ayaa uu shabeelkani isugu yeedhay shabeelladii beesha uu hoggaamiyo, waxa aanu u sheegay, in maanta ugaadhsiga loo baxayaa ka duwan yahay kii caadada u ahaa, oo waxaa raacaya shabeellada da’da yar (Dhalinyarada) bal si ay ugu soo tababartaan habka iyo xeeladaha ugaadhsiga, oo marka ay kalkooda timaaddo xilkan la wareegaan. Shabeelladii da’da yaraa warkan waa ay ku farxeen, waxa aanay u arkeen in halyeygu maanta uun si togan u fikirayo maadaama oo uu diyaarinayo jiilkii isaga nasin lahaa. Iyada oo la wada socdo ayaa ayaa la dhex jibaaxay keynta si ugaadh loo raadiyo. Cabbaar markii la socdayba waxa ay ku soo baxeen xayn maroodiyo ah oo kaynta daaqaysay, inta uu Shabeelkii boqorka ahaa eegay mid da’ yar oo maanta ay ugaadhsi ugu horayso balse ay ka muuqato firfircoonaan iyo xamaasad badani, ayaa uu ku yidhi, “Waa fursaddaadii ee ku bax oo inoo soo qabo waxii aad karto”

Shabeelkii yaraa ayaa inta uu booday isku qaaday mid ka mid ah maroodiyadii, isna ismaba uu dhibin ee si hawl yar ayaa uu dhan isaga tuuray, shabeelkii dhulka ayaa uu ka soo go’ay jugta xanuunka badan ee soo gaadhayna waxaa u dheeraa isaga oo ku sigtay in maroodigu uu cagtiisa weyn dusha ka saaro, oo uu halkaas ku naf waayo. Shabeelkii yaraa isaga oo niyad jabsan kaar badanina hayo ayaa uu dib ugu soo noqday raxantii shabeellada ahaa ee odaygu horjoogay. Kadib shabeelkii waynaa oo u jeeday sida wax u dhaceen ayaa isaga oo haaraamaya jileeca iyo doqonniimada dhalinyarada maanta, waxa uu si kibir leh u yidhi, “War na sug anagaa soo dili ee!” inta uu maroodiyadii ku dhex dhacay ayaanu dhinaca dhulka ugu hubsaday midkii ugu weynaa. Maalintani sidaas ayaa ay ku dhammaatay iyada oo lagu ballamay bal in hadda berrina hawshan oo kale la isu raaco oo dhalinyarada fursad la siiyo.

Maalintii labaad ayay shabeelladii ku soo noqdeen kayntii, waxa ay ku soo baxeen xayn lo’ ah, inta uu shabeelkii waynaa eegay mid kale oo ka mid ah kuwii da’da yaraa ayuu ku yidhi, “bal aynu eegno kartidaada ee adigu soo qabo” Shabeelkii yaraa ayaa intii itaalkiisu ahaa isa soo qaaday oo dusha kaga degey dibi ka mid ah lo’dii, laakiin dibigii ayaa markiiba inta uu kor u booday dhan isaga tuuray shabeelkii oo weliba dambaabidho iyo hirdi xoog badan isugu daray. Shabeelkii yaraa isaga oo dhiiga shalaqsanaya ayaa uu dib ugu soo noqday raxantii oo halka soo tuban. Shabeelkii weynaana sidii caadada u ahayd inta uu kalsooni ku dhaqaaqay ayaa uu ku yidhi, “Allaylehee da’diina waa lagu hungoobay” isaga oo aan dhibi soo gaadhin ayaanu si dhaqso ah u soo qabtay dibigii ugu quwadda badnaa lo’da. Maalintanna waxaa goobtii laga tegey iyada oo mar kale dhalinyaradii karti darro iyo garaad yaraan lagu hiifayo.

Maalintii Saddexaad ayaa uu shabeelkii weynaa mar saddexaad isugu yeedhay shabeelladii si maanta loo baxo oo hadda mar kale dhalinyarada fursad loo siiyo. Laakiin shabeelladii da’da yaraa oo labadii dersi ee shalay iyo dorraad si fiican ugu cibro qaatay iyo intii da’da weynayd oo marka horeba la dhacsanaa xeeladihiisa ugaadhsi iyo geesinimada hoggaamiyaha, ama aaminsanaa haddii ay dhalintu timaaddo in aanay kaalinta hadda yeelan doonin, ayaa mar keliya ku dhawaaqay in cid isaga dhaanta oo beesha u ugaadhsataa aanay weli dhalan, isna inta uu shaarubaha miiqay ayaa uu yidhi, “Dhalinyaradii waa lagu tacab khasaaray, ee bal hadda dhib kasta aan ku qabo ee inta ciddii i nasin lahayd imanayso aniga ayaa hoggaanshaha ah”

Markii aan qisadan akhriyey, waxa ay uu hankaygu igu bilaabay su’aalo fara badan oo la xidhiidha, goorta la gaadhi doono waqtigaas badhaadhaha badan ee ay imanayso dhalin buuxin karta kaalinta hoggaamineed ee kaga aadan bulshada iyo guud ahaanba qarankeenna innaga oo durbadiiba aragna gal-daloolooyinka soo baxaya.

Tobankii sano ee tegey oo afartii sano ee ugu sii dambeeyey ay ugu mudan yihiin waxaa si joogto ah u soo kordhayey dhalinyarada ku biiraya masraxyada bulshada laga hago;Ururro bulsho, haayado samofal oo heer deegaan, heer qaran iyo heer caalamiyaba leh, dunida qalinka iyo warbaahinta kala duwan iyo siyaasadda oo ay ka qabteen mansabyo aad u sarreeya marka loo eego waqtiyadii hore, intaba waa ay gaadhay dhalinyarada oo aan anigu uga jeedo inta aanay weli da’doodu Afar-tobnaad dhaafin.

Nasiib-darrose marka dib loo eego xilalkii rayidka iyo dowladdaba leh ee ay hayaan waxaa muuqata in ay dhaawacayaan xiisihii loo qabay in dhalinyaradu hoggaanka u qabato bulshada, muranno iyo khilaafyo qabyaalad ku sal leh, loollan macno-darro ah, dhuuni jeclaysi, musuq, waayo-aragnimo la’aan iyo cudurradii hore loo eeday oo dhan ayaa ay bidhaamaya. Umaba baahnin in aynu kow iyo laba nidhaahno, waayo ruux kasta oo innaga mid ahi haddii uu il-bidhiqsiyo indhaha isku qabto isaga oo maanka ku haya dhalinyaradan xil-gudashadooda la’ saluugay, waxaa hor imanaya tobannaan boogood oo uu xanuunkooda ka dharagsan yahay.

Durbadiiba waxaa bilowday in bulshadii ku soo hungoobayso dhalinyaro wax loo dhiibto, waxa aanad maqlaysaa doodda arrintaas la xidhiidha oo soo xoogaysanaya, iyo marar badan dadkii oo la yaabban dad dhalinyaro ah oo baarlamanka soo socda damac ka hayo ama xil sare madaxweynuhu u dhiibay amaba damac ka hayo hoggaaminta qaybaha kala duwan ee bulshada. Haddii aad hoos ugu dhaadhacdo sababta dareenkan dhalisayna wax badan ayaa aad ka garaabaysaa.

Waxa aan bilaabay in aan dhegeysto ama akhriyo wax kasta oo dadka hal-doorka ah iyo masuuliyiinta dhinacyada kala duwan ahi ay ka yidhaahdaan dhalinta iyo kaalintooda. Haddii aan u kuur-galay, waxaa ii soo baxay in marka laga tago tixaha iyo tiraabta macaan ee ay masuuliyiinta kala duwan ee Somaliland ka yidhaahdaan dhalinyarada iyo muhiimadda ay mustaqbalka qaranka u leeyihiin, aanay jirin falsafad cad iyo tilmaam cilmiyeysan oo ay dhalintu ka dheegato waayo-aragnimo ay u kaashato hiigsigeeda. Waana ta keenaysa in dhib kasta oo jirta haddana marka la barbar dhigo sababaha dabada ka riixaya, wax badani ay mudan yihiin in loo cudur daaro.

Waa marka koowaad ee nidaamka waxbarasho iyo manhajka tacliinta ee dalkeenna u dhigani waxa uu ardayga dib ugu celinayaa in uu ku fikiro wixii jiray iyo sida ay ahaan jirtay, balse laguma tababaro in uu ka fikiro waxa xiga iyo sida ku habboon ee hadda kadib loo sii noolaan karo, waxa uu xoogga saaraa xeerar iyo qaacidooyin go’an oo la adeegsan jiray tobannaan sano ka hor, balse macallinka iyo manhajka midkoodna uma diyaarsana in uu miiro maskaxda ardayga kuna hago jid wax loo dhigayo uu kaga dhigan karo oo keliya fure u sahlaya in uu waafajiyo waxa uu la nool yahay iyo waqtiga uu joogo, iyo in uu awood u yeesho in uu noloshiisa iyo waxa uu bartay is waafajiyo.

Waa cudur ay inala qabaan inta badan ee bulshooyinka dunida saddexaad, balse kuwa ilbaxaha ah marka aad hoos ugu fiirsato aad arkayso in marka laga tago nidaamka casriga ah ee waxbarashadoodu u diyaarsan tahay ay u weheliso tababarro iyo xirfad dhis joogto ah oo dhalinyarada loo sameeyo, doodo hal-abuurkooda lagu godlinayo iyo in maskaxdooda la baro fikirka togan iyo kartida, markaasuu qofku jaamacadda soo dhamaystaa isaga oo awood u leh in uu qabto mansab kasta oo hoggaamineed, iyo isaga oo awood u leh in ururka ama haayadda uu ku jiro ilaaliyo dhismaheeda iyo jiritaankeeda isaga oo aan ka tanaasulayn aragtidiisa mucaarad iyo muxaafad mid ay tahayba. Intaa kuma koobna ee waxaa jira barnaamijyo heer qaran ah oo loogu talo galay diyaarinta hoggaamiyeyaasha berri, si loo xaqiijiyo in dalku uu horumarka ku sii socdo oo aanu is-beddelka jiilasha dartii xagal daac ku iman hab-sami u socodka nidaamka dowladnimadiisa.

Marka aad arrimahaas oo dhan eegto waxaa kuu soo baxaya in dhalinteennu maanta ka dhigantay sida shabeelkaa da’da yar ee tababar la’aan loo diray xilka culus kadibna ku qancay in da’du ay tahay cunsur lagama maarmaan u ah hoggaaminta iyo talada wanaagsan, taasina waa bilowga burburka hoggaamineed ee umadda, waayo waxaa imanaysa mar ay dhalinta maantu ku qasbanaadaan in ay buuxiyaan kaalinta hoggaaminta ee jiilka ka horreeyaa banneeyey.

Ugu dambayntii qisada aan kor ku xusay xikmadda iga baxday waa in aanay jirin dhalinyaro iyo da’ yar inta ay kacaan uun iskood isugu filnaanaya oo buuxinaya kaalinta hoggaamineed ee qarankooda, xitaa bisadu dhasheeda waxa ay bartaa sida ugu habboon ee ay jiirka u soo qaban karto iyo xeeladaha ay u mari karto ugaadhsiga shimbiraha.

Kamaal Axmed Cali

Kamaal02@yahoo.com