Washington (Geeska)- Suuxintu waa hab iyada oo la adeegsanayo dawooyin ka samaysan maaddooyin dareenka kaxeeya, qofka lagu illowsiinayo xanuunka daran ee uu dareemi lahaa muddada qalniinku socdo oo dhan. Sida oo kalana dhakhtarka u fududaynaysa in uu shaqada qalniinka si habsami ah u wado iyada oo aanu culays ka saarnayn xanuunka damqashada qofka buka iyo dhaqdhaqaaqa xanuunkaasi keeni karo.
Inkasta oo ay maanta suuxintu tahay shardiga lagama maarmaanka u ah qalniin kasta oo la samaynayo, haddana waxaa xusid mudan in halkan in la soo gaadhisteeda loo soo maray marxalado kala dambeeyey oo dhakhaatiir iyo saynisyahanno badan illaa maanta taariikhda cilmu ku xusto kaalinta mugga leh ee ay ku lahaayeen arrintan bani’aadamnimada ah.
Waxa aynu raggaas ugu mudnaa Hanaoka Seishu oo u dhashay dalka Jabbaan. Waxa uu dhaakhtarkii ugu horreeyey taariikhdai nta la ogyahay ee sameeyey qalniinkii ugu horreeyey ee bukaanka la suuxiyey, laguna guulaystay.
Hanaoka Seishu oo noolaa intii u dhexeysay 1760 illaa 1835 kii, waxa uu ku beegmay xilligii imbaraadooriyaddii dalka ka jirtay la riday xukunkana ay qabteen Shoguns iyo dagaal oogeyaal kale. Waxaa dalka Jabbaan laga mamnuucay in dadka shisheeyaha ahi soo galaan, marka laga reebo dadka ka imanayey dalal gaar ah oo ay Holland ka mid tahay. Arritnani waxa ay sababtay in xidhiidhkii ganacsi ee dhexmarayey dalka Jabbaan iyo dalka Holland uu ka qaybqaato in cilmigii qalniinka ee xilliyadaa ka jiray dunida reer galbeedku uu ku soo fido Jabbaan.
Hanaoka Seishu oo xilmiga caafimaadka ka dhigtay magaalada Kyoto ee dalka Jabbaan oo markaas ahayd caasimadda, ayaa waxa uu si gaar ah u xiiseeyey dawo dhaqameedka iyo cilmiga caafimaad ee laga dhaxlay dadkii hore ee Shiinaha. Kaddib waxa uu bilaabay in uu si xiise leh u akhriyo kutubtii hore ee Shiinaha, una dabagalo qisaskii dhaqanka iyo sheeko baraleyda ahaa. Qisaska macnaha badan u sameeyey ee uu helay waxaa ka mid ahaa mid sheegaysay in dhakhtar Shiine ahaa oo noolaa qarnigii labaad ee taariikhda miilaadiga, uu samayn jiray qalniino yaab leh oo aanu qofku xanuunka dareemayn, kaddib marka uu siiyo koob ah cabbitaan ka samaysan dhir kala duwan. Arrinta dhakhtarkaas oo lagu magacaabi jiray Hua Tuo.
Berigii dambe ee uu waxbarashada dhammaystay Hanaoka Seishu ee uu qalniinnada bilaabay, waxa calool xanuun joogto ah ku hayey dadka bukaanka ah ee uu qalniinka ku samaynayo oo mararka qaarkood cabaadka iyo taaha damqashadu keentay ahaayeen kuwo aanu ka adkaysan karin. Waxa mar keliya dib xusuustiisa ugu soo noqotay sheekada dhakhtarkii Hua Tuo ee la sheegay in uu dadka siin jiray koob cabbitaan ah oo xanuunka illowsiiyo, kaddib waxa uu go’aansaday in uu raadiyo nooc dawo ah oo bukaanka ka caawisa in uu adkaysto xanuunka. Baadhitaankan oo uu badankiisa ku dabagalayey qisasdii dhakhtarii Shiinaha ahaa ee Hua Tuo, waxa uu ku soo helay cabbitaan lagu magacaabo ‘Tsusensan’ oo inta isaga oo kulul qofka la siiyo, markaba uu qofku gelayo hurdo dheer oo muddo u dhexeysa 6 saac illaa maalin dhan aanu mar keliya toosayn xanuunkana dareemayn. Markaas ayaa Hanaoka Seishu uu dadka dib ugu bilaabay qalniinkii.
Hanaoka Seishu oo sameeyey qalniino aad u adag oo ay ka mid tahay dad xubnaha qaar la jaray sida lugaha ama gacmaha iyo dad burooyin laga soo jaray uur ku jirta, waxa uu adeegsaday dawadan oo marba marka ka dambaysa sii horumarinayey.
Hanaoka Seishu waa dhakhtarkii ugu horreeyey taariikhda ee sameeyey qalniin naaska lagaga jaray dumarka uu kansarka naasku ku dhaco, waana dhakhtarkii u horreeyey ee ay taariikhdu si rasmi ah ugu diiwaangelisay in uu qalniinnadiisa u isticmaalay dawo suuxin ah.
Arrintii waxaa ka faa’iidaystay dadkii reer Yurub ee qalniinka marka hore keenay Jabbaan, laakiin aan iyagu markaas aqoonin suuxdinta, sidaa awgeed dadka bilaa suuxdin lagu qali jiray. Iyada oo cilmigaas Hanaoka Seishu ka faa’idaysanaya ayaanay sii horumariyeen dawadii suuxdinta.