Dhacdooyinka Xiisaha Lahaa Ee Dagaalkii Labaad Ee Adduunka: Masaajid Yuhuud Badbaadiyey, Janaraal 27 Sano Rumaysan La’aa In Dalkiisii Laga Adkaaday Iyo Qisas Kale

0
921

1Paris (Geeska)- Wariyaha caanka ah ee Axmed Muslimaani oo u dhashay dalka Masar ayaa dhowaan barnaamij Talefishan oo uu leeyahay ku soo bandhigay dhacdooyin xiise gaar ah leh oo dhacay dagaalkii labaad ee adduunka.

Barnaamijka “Daabacadda Koowaad” oo uu wariyahani ka sii daayo Talefishanka Dream ayaa uu Isniintii toddobaadkii dhowaa ku sheegay, dhowr dhacdo oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay:

– Hoggaamiyihii Naasiga Adolf Hitler markii uu dagaalkii labaad ee adduunka qabsaday dalka Faransiiska, waxa uu isku dayey in uu koro taallada ay caanka ah ee ku tahay magaalada Paris ee lagu magacaabo Eiffel, si uu dadka Faransiiska ugu ihaaneeyo una tuso in ay jabeen, laakiin dad badan oo Faransiis ahaa oo arrintaas ka dhiidhiyey ayaa qaaday kacdoon ay markiiba ku jarjareen xadhkihii laydhka, kuna burburiyeen sallaankii loo fuulayey taalladan astaanta u ah Faransiiska oo dhismaheeda la dhamaystiray sannadkii 1889kii, muddo afartan sano ahna ahayd taallada ugu dheer dunida oo dhan, falkaas oo Hitler ka hor istaagay in uu koro taawarkan.

– Waxa kale oo uu saxafigu barnaamijkan ku sheegay in dalka Mexico uu ahaa dalka keliya ee dunida oo dhan ku dhiirraday in uu cambaareeyo Hitler markii uu qabsaday Austria bilowgii dagaalkii labaad ee adduunka, sababta ay dawladaha dunidu uga aamuseenna waxa ay ahayd cabsi ay ka qabeen awoodda iyo cadaawadda Hitler.

– Dhacdooyinka kale ee xiisaha leh ee uu saxafigu barnaamijkiisan ku sheegay waxaa ka mid ah, in markii Hitler iyo ciidamadiisu ay soo galeen Paris iyada oo la ogaa in cidda koowaad ee aanay dilistooda ka waabanayn ay ahayd Yuhuudda awgeed uu masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Paris, bilaabay qorshe uu ku ilaalinayo dadka Yuhuudda ah si aanu u xidhin ama u dilin Hitler ama dadka caadiga ah ee Jarmalku aanay u waxyeellayn sida marar badan dhacday. Masaajidkani waxa uu dadka Yuhuudda ahaa siiyey waraaqo rasmi ah oo caddaynaya in ay Muslimiin yihiin, maadaama oo Hitler iyo Naasigiisu aanay muslimiinta wax dhibaato ah u geysan jirin.

– Muslimaani waxa uu sheegay in xilligaas uu dagaalka labaad ee adduunku dhacay ay soo baxday sheegada ah in khudradda daba-casuhu indhaha u fiican yahay, taas oo saxafigu aaminsan yahay in ay khuaraafaad tahay, isaga oo ka warramaya sida ay ku timidna waxa uu sheegay in ciidamadii Ingiriiska oo xilligaas noqday kuwa ugu shiishyahansanaa ee awooday in ay dhulka soo dhigaan qaar badan oo ka mid ah diyaaradihii dagaalka ee Hitler, ay arrintaas shiishka marka la weydiiyana iyaga oo doonaya in aan laga ogaan farsamada qalab ee ay shiishkan u adeegsanayaan oo ay iyaga uun sir u ahaato, ay dadka ku majara-habaabiyeen beenta ah in aad u cunaan daba-casaha oo aragtida sugiddeeda iyo awooddeedaba kordhiya.

– Ugu dambayntii dhacdada kale ee xiisaha leh ee uu saxafigani soo bandhigay ayaaahayd in mid ka mid ah saraakiishii sare ee ciidamada Jabbaan oo lagu magacaabi jiray Hero oo ciidan uu wataa iyaga oo ku sugan jasiirad ku taalla Indonesiya ay dhacday in laga adkaaday Jaban iyo dalalkii la dhinaca ahaa dagaalkii labaad ee adduunkuna dhammaaday, laakiin aanu warkaas maqal maadaama oo jabkii Jaban awgeed uu go’ay khadkii isgaadhsiineed ee uu kula xidhiidhayey masuuliyiinta ka sarraysa iyo taliska ciidamadooda, sidaa awgeed waxa uu sarkaalkani diiday in uu is-dhiibo ama dagaalka joojiyo isaga oo ku doodaya in, dagaalkii baa ku dhammaaday jabka dalkiisu ay been iyo khiyaamo dagaal oo loo soo maleegay isaga tahay.

Sida uu wariye Muslimaani sheegay sarkaalkan reer Jabbaan waxa uu sheegay in sida keliya ee uu arrintan ku rumaysan karaa ay tahay in uu toos ula soo hadlo taliyihiisii sare ee awalba amarrada siin jiray. Muddo 27 sano ah ayaanu sarkaalkani halkiisii sii joogay isaga oo ku doodayain ay been tahay jabka dawladdiisu.