Jigjiga (Geeska) – Allaah ha u naxariistee waxa Maanta Geeriyooday Madaxweynihii Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh.
Cali Khaliif Galaydh ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.
Geerida Cali Khaliif Galaydh waxa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey Siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ay aad isugu dhawaayeen.
Cali khaliif Galaydh ayaa Allaah ha u naxariistee wuxuu mar soo noqday Raysal-wasaaraha Soomaaliya – imikana waxa uu ahaa Madaxweynaha kooxda Khaatumo.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland – ka dib markii Khaatumo heshiis la gashay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Geeska.net/Hargeisa Office