Deeq La Gaadhsiiyay Dadka Ay Abaaruhu Ku Heleen Koonfurta Gobalka Maroodi-jeex

0
621

Sallaxley:(Geeska) Deeqdii ugu ballaadhnayd ee gurmadka dadka ay abaaruhu sida ba’an u saammeeyeen ee ku dhaqan Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex,ayaa la gaadhsiiyay Booyaddo aad u badan oo Biyo Nadiif ah.

Gurmadkan oo socday Muddo saddex cisho ah,ayaa sida jir u wadday Haa’yaddaha UNICEF Iyo Rays,waxaana lagu beegsadday deegaammo ay dadweyne tiro badani ku soo hayaammeen oo Jiidahaas ku yaalla.

Md.Salleebaan Sheekh Cali oo ku hadlayay Magaca Haay’adda Waddanigga ah ee RAYS oo iyadda Mashruucaas samo-falka ah fulinaysay,ayaa sheegtay inay muddo saddex cisho ah waddeen Biyo-qeybonta “ Ilaa shalay waxaannu halka Qool-caddey ka wadnay biyo-qeybin,waxaana halkan aad uga jiro biyo la’aan iyo

Harraad.Deegaammadan waxaannu shalay ku qeybinay in ka badan Konton Booyaddood,waxaana la gaadhsiiyay ilaa degmadda Oodweyne.Maanta (Shalay) oo wajigii labbaad ah,waxa qool-caddey oo ka tirsan Degmadda sallaxley aannu soo gaadhsiinay Deeq biyo ah,iyadda oo deegaamo kalena la-gaadhsiin doono.Waxa kale oo aannu Labaatan Booyadood u dirnay Deegaanka Qoton-dabo oo aad loogu ooman-yahay,ILAAHAY-na waxaan ka baryaynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo.

Waxa isaganu halkaas ka hadlay Maayarka Magaaladda

Sallaxley,Ismaaciil-shiine,waxaana uu sheegay inay Ka-maamul-ahaan ay uga mahad-celinayaan cidkasta oo ka damqatay dadkooda talaabaysan ee deeqdan Biyaha ah soo gaadhsiiyay.

DHinaciisa Gudoomiyaha Guddiga guud ee SAHAN

BARWAAQO,Eng.Maxamuud Muuse Goonni  oo isna halkaas ka hadlayay,ayaa yidhi; “Waxaannu uga mahad-naqaynaa Haay’adda UNICEF iyo Haay’adda waddanigga ah ee RAYS gaadhsiinta ay nasoo gaadhsiiyeen Deeqdan Biyaha ah oo aannu in muddo ah sugaynay,Inkasta oo ay roobabkii da’een,hadana meelo badan ayaa wali ooman oo u baahan waraabin joogto ah.

Guud ahaanba dadweynihii Biyaha la-gaadhsiiyay,ayaa ka mahad-celiyay deeqdan,waxaanay sheegeen inay aad ugu baahnaayeen.