Maadaama ay maalinta Jimcaha ay ku beegantahay 20kii.Feebarwari.1982dii, oo ah sanad guuradii 33aad ee dhacdadii taariikhiga ahayd ee maalintii la' magac baxday dhagax-tuurkii ardayda, waxaan jecelahay in aan kalmad ka idhaahdo dhacdadaa iyada ah iyo in aan saxo qaladaad ku dhex jira sida looga sheekeeyo amba ay dad u weriyaan. Dhagax-tuurkii waxaa uu ka dhashay dareen muddo dheer soo tarmaayey, waxaa uu sii xoogaystay wixii ka danbeeyey dagaalkii 77kii, dareenka iyo cadhada bulshadu waa ay la' qabtay ardayda hase yeeshee umay habaysnayn kacdoon shacbi oo balaadhan, waxaa mar kaliya sida baaluunka u qarxay ardaydii dugsiyada sare ee Hargeysa iyo Burco, markay xejin kari waayeen cadaadiskii ciidamadii qawlaysatada, waxaana ay ku dhiiradeen in ay dhagax kala hor-tagaan Taangiyadii iyo Beebeeyadii dhiigya cabka, waxaa xusid mudan in ragii ka baqday in ay ardayda ku taageeraan dhagax-tuurkii, maadaama dhawr iyo toban sanadood madax lagaga taagnaa, way rumaysan kari waayeen sida ay wax u dhacayaan, waxaa se ku biiray haweenkii reer Hargeysa iyaga oo aan u kala hadhin. Dhagax-tuurkii ardayda ee 20kii.Feebarwari, taariikhdu waxaa ay ku suntan tahay in uu ahaa markii ugu horeysay ee si badheedh ah looga horyimaado taliskii Maxamed Siyaad Barre. Dhacdadani waxaa ay iftiimisay in ay suurtagal tahay in heeryada dulmiga la'iska tuuri karo ama la diidi karo maamulka xun, runtii waxaa ay ahayd in Somaliland iyo Somaliyaba laga xuso, may ahayn oo kaliya in laga xuso Somaliland, maadaama kacdoonka laga bartay Hargeysa in ay gobalada kalena ay xusaan ayey ahayd, dhagaxtuurkii ardaydu kacdoonadii kale waxaa uu kaga duwanaa ma jirin siyaasiyiin ama haldoor soo abaabulay amba ka danbeeyey amba hagayey, waxaa ay ahayd arrin u gaar ahaa ardayda oo ka fal celinayey dareenkooda .
Doorkii macalimiinta: macalimiintu waxaa ay si toos ah iyo si dad banba ugu ababin jireen ama ay ugu sheegeen tacadiyadii lagu hayey bulshada iyaga oo og in fasalada ay fadhiyaan xubno NSS-tu ay ku soo darsatay dugsiyada, laakiin inkasta oo la tuhmaayey macalimiinta qayb laxaadleh kamay qaadan dhagax-tuurkii marka laga reebo tiro yar oo ku dhiiraday in ay isgarab taagan ardayda kana dhexmuuqday, Hargeysa waxaan ka xusi karaa Maxame Maxamuud Jaamac(MMJ), Burcana waxaan ka xusi karaa Cabdi Xaaji Xasan(Cabdi-askari).
Dhaqdhaqaaqii UFO wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen aqoonyahano reer Somaliland ah, waa la siyaasadeeyey laakiin iyaga u jeedadoodu waxay ahayd in goobaha caafimaadka oo dhakhtarka Hargeysa kow ka yahay maxaynu ka qaban karnaa?.Taas ayaa markii la' isla qaatay ee la yidhi waxbaynu ka tari karnaa nadaafadiisa si iskaa-wax-u-qabso ah. Tusaale ahaan in sariiraha laga bedalo ama se go’gosha ambaba nadaafada guud ee xayndaabka dhakhtarka weyn ee Hargeysa, inaga oo lacag iska ururinayna(Contribution). Laakiin rajiimkii markaa jiray oo sas ka qabay aqoonyahanka reer Somaliland ama dhaliil u arkaayey wax-qabadkan bulshada loogu adeegaayo, waxay u rogeen amba u arkeen in ay tahay siyaasad iyaga lagaga soo horjeedo oo kacaanka lagu duminaayo sidaas ayaa loo xidh-xidhay dhalinyaradaas oo iyagu wakhtigaas qudhoodu dhalinyaro ahaa, sidaa awgeed waxaa lagu xukumay xukuno dhaadheer. Dhagax-tuurkii ardayda iyo dhaqdhaqaaqii UFO, waxay ahaayeen Laba dhacdo oo kala duwan. Dhalinyarada reer UFO wakhtigaa waxaa ay ku jireen xabsiga Hargeysa. Dhagax-tuurku wuxuu ahaa dareen soo jiitamay ama isa soo taraayey in muddo ah, waxaana soo de’dajiyey ama kalifay maxkamadii aqoonyahanka reer UFO oo ku beegnayd 20kii.Feebarwari, waana xidhiidhka kaliya ee ka dhaxeeyey labada dhacdo.
Da’yartu Maxay Iskugu khaldaan Dhagax-tuurkii Ardayda iyo Dhaqdhaqaaqii UFO?
Labaatankii sanadood ee la xusaayey ardaydii hogaaminaysay ama ka qayb qaadatay ka’may dhex muuqanin xafladaha inkasta oo ay qaarkood joogeen dalka. Xafladaha waxaa soo agaasima, ka dhex muuqda ama ka sheekeeya dad aan qayba ka ahayn dhagax-tuurkii ardayda oo xataa aan goob-joog ka ahayn sidaa daraadeed da’yartu waxaa ay daawadeen sawir aan ahayn kii runta ahaa, waana halka qaladku ka yimi.
Dhinaca kale baryahan dambe maalmaha taariikhiga ah laguma xuso qiiro wadaninimo iyo miisaankii ay lahaayeen markii munaasibadahoodii laga dhigay garoon mucaaradka iyo muxaafadku ay ku hirdamaan ama ku loolaman, dadweynahu wuxuu ka niyad jabay markii dhacdooyinkii taariikhiga ahaa kooxo kala sheegteen, waxaa loo soo joogay in munaasibadaha qaar ka mid ah lagu kala qabto laba meelood iyada oo kooxiba ay kooxda kale ka riixanayso. Si kastaba ha ahaatee haddii aan wax laga badalin ama aan la joojin xusaska laga leeyahay u jeedooyinka guracan ama aan daacada laga ahayn, aakhirka waxaa la iska illoobi doona maalmihii qaaliga ahaa ee ku suntanaa taariikhda umadda sidaa awgeed Somaliland waxaa ay noqon doonta qaran aan lahayn maalmo taariikhiya oo la xuso.
Cabdiraxmaan Caddami