“Dawladu Dhaqaale Urursi Bay Ku Jirtaa, Wax Soo Gala Mooye Wax Ka Baxa Oo Dadka Dib Ugu Noqda Dooni Mayso, Markaas Masuuliyada Sicir Bararka Dawlada Leh”

0
553

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay ku jirto hanti urursi xilli ay dalka ka taagnatahay sicir barar iyo abaar baahsani.

Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Masuuliyadda Sicir bararka dusha ka saaray Xukuumadda, waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga loo geystay xubno ka mid ah Xisbiga Waddani, Safarkoodii ay ku mareen qaar ka mid ah Wadamada Caalamka iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya xidhiidhka Beesha Caalamka iyo Somaliland "Beeshii Caalamka weynu sii kala fogaanaynaa,dhibaataduna waxay inaga raacday Doorashooyinkaas aynu qaban weynay ee dhawrka jeer dib u dhacay,oo Guurtidii 24 sanno ayey fadhidaa oo dhaxalkii labaad baa socda,wakiiladu 12 sanno ayey

fadhiyaan,Xukuumaddani toddoba sanno ayey

maraysaa,Dimuqraadiyada lagu tumanayo ee Caalamku arkayaa waa taas,canaan walba oo Caalamka inagaga yimid iyo sidaynu u kala fogaanay waxa u sabab ah Dawladdeena".

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Sicir bararka wuxuu yidhi"Masuuliyada kowaad ee sicir bararku Dawladda ayey saaran tahay oo ka masuul ah,balse Dawladda Kulmiye ee imika taladda dalka haysa wey dhayalsatay oo wey ku guul daraystay inay xal u hesho sicir bararka,wareegtadii hore ay u soo saartayna wey ka socon weyday,imikana ma aragno cid u jeeda inay sicir bararka wax ka qabato, dadkiina abaar,gaajo,shaqo la'aan iyo xanuuno ayey u liitaan,reer miyigii xoolihii wey ka dhammaadeen, dawladduna qudheedii dhaqaale urursi bay ku jirtaa,wax soo gala mooye wax ka baxa oo dadka dib ugu noqda dooni mayso,markaas masuuliyada kowaad ee sicir bararka dawladda ayaa leh,iyadaana wada"

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo mus-dabeedka ayaa yidhi "Komishanku isagaa shaqadiisa leh,oo u madax banaan,wax mus-dnabeed la yidhaahdo oo ku qoran Dastuurka iyo Sharciga Komishanka ma jiro,waana sharci daro ee malaa Xukuumaddu in aanay Doorasho dhicin ayey ugu talo-gashay,markaas wax mus-dabeed la yidhaahdo oo soconayaa ma jiraan".

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey safarkoodii ayaa yidhi “Safarkayga aanu ku tagnay wadamada badan, waxa uu ahaa safar aad u qiimo badan,wadan kasta oo aanu tagno waxaanu ka hadlaynay abaarta dalka ka taagan, jahliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadamadaas aanu marnayna si fiican bay noo soo dhaweeyeen, waxaanu ku abaabulaynay inay dadkooda wax soo taraan oo gurmadka abaarta ka qayb galaan, oo dadka reer Somaliland iyo Dawladdaha Wadamadaas aanu tagnayba, waxaanu ku boorinaynay inay abaaraha daka ka jira ka qayb qaatan”.

Ugu dambayn isagoo ka hadlaya  xubno ka tirsan Xisbiga Waddani oo la xidhay ayaa yidhi “Soo dhaweeyntaydii waxa la xidhay toddoba inan, oo xaq daro lagu xidhay, iyadoo aan wax dambi ah aanay galin, waxaana inadaman la xidhay waxay ka mid yihiin Masuuliyiinta Xisbiga ee Waddani, gaar ahaan qaar ka mid ah Masuuliyiinta Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Maroodijeex, iyadoo aynu ogeyn in hore loo xidhay laba masuul oo ka tirsan Xisbiga oo laba sanno oo xaq daro ah lagu xukumay, markaas in Dawladdu sharci daro adeegsato oo dad aan dambi lahayn xidho, waa cadaalad daro aan meelna loo soo marin, Saddexda Xisbina xaasad bay leeyihiin, ee waxaan Xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii ugu soo celiso”.