“Dawladdu Waa Inay Wax Soo Saarka Dhiirigelisaa”

31
3754

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay abaaraha, waxaanu ayaan daro ku tilmaamay in biyaha roobka aan laga faa’iidaysan, waxaanu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in wax soo saarka dalka la xoojiyo, si wax badan looga maarmo.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu sheegay inuu Xukuumaddu ku taageersan yahay nidaamka wax looga qabanayo sicir bararka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Wax walba ALLE ayaa og,laakiin haddii ay abaari timido, kolay sidii tii hore ayaa looga tabaabushaysanayaa, in la isku gurmado ayey noqonaysaa, oo siday tahay haddii ay meel abaari ka jirto, meel kale ayaanay abaari ka jirin, inkasta oo aan ALLE cidi waxba la ogeyn laakiin haddana in wax walba laga sii tabaabushaysto ayaa wacan, waana dhibaato iyo ayaan daro in marka uu roobku inoo da’o, inaynu ka faa’iidaysan weyno, oo ayeynaan ceshan, laakiin waxa wacan inaynu Biyaha roobka, ka faa’iidaysano, oo aynu qabano”.

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey Sicir baarka ayaa yidhi “Xukuumaddu wey ku mahadsan tahay in sicir bararka la inaga joojiyo, qorshe lagu joojinayna ay keento, sicir bararkana waxa lagaga bixi karaa iyadoo wax la soo saaro, si kale oo lagaga bixi karaa ma jirto, markaas in wax soo saarka dalka xooga la saaro, oo aynu tacab la nimaadno, oo aynu dhulkeena beerano ayaa wanaagsan, qofku haddii uu wax beerto, lacagta waxba siisan maayo ee beerta uu beertay wixii ka soo baxay ayuu cunayaa, waana in wax soo saar lagu tashado, Dawladduna waa inay wax soo saarka dhiirigelisaa waana inay shaqaalaheeda beero u sameeysaa, si aynu wax badan oo dibadda inooga yimaada uga maarano”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here