Dawladda Soomaaliya Miyay Ku Kala Qaybsantay Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Kenya?

0
869

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Wasiir iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa hareer maray qoraal ay soo saartay dawladda Soomaaliya oo ay ku sheegtay inaanay masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya shirarka kaga qaybgeli karin magaalada Nayrobi, iyagoo hay’adaha caalamiga ahna ka dalbaday inay shirarka ku qabtaan dal kale, ka dib markii ay Kenya dib u celisay wasiiro Soomaaliya ka socday oo doonayay inay shir kaga qayb galaan Nayrobi.

Hase yeeshee Isniintii waxa magaalada Nayrobi shir caalami ah kaga qayb galay wasiirka hawlaha guud ee Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo xubno kale.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Tarsan oo ay BBC-du waydiisay shirkan ayaa yidhi ”Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga” sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan.

Safiirka oo la weydiiyay halka ay ka mareen warkii ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya soo saartay wuxuu yidhi ”Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saartay Soomaaliya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here