Dawladda Somaliya Oo Sucudiga Uga Digtay Mamnuucida Geela Uga Dhoofa Geeska Afrika

0
590

Picture3Hargeysa  (Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa  Dawldda Sucuudidaga uga digtay inay mamnuucdo, Geela dalkeeda uga dhoofa Gobalka Geeska Afrika, kadib markii uu Sucuudigu sheegay suurtagalnimada inuu Geela mamnuuco, markii ay ka shakiyeen inuu la socdo virus-ka dhaliya xanuunka MERIS.

Warqada uu Raysal Waraasaraha Somaliya u diray Wakaalada Wararka Reuters, ayaa waxa uu ku sheegay inaan Xanuunka MERS Somaliya lagu arag, muddooyinki ugu dambeeyey.

Sarkaal ka tirsan Dawladda Sucuudiga ayaa  Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in Sucuudiga uu mamnuuci doono Geela uga taga Geeska Afrika, inta laga gun gaadhayo halka uu ka yimid Viruska MERS,oo ay ka shakisan yihiin inuu la socdo geela uga dhoofa gobalka Geeska Afrika.  “Ilaa Sanadkii 2012, markii ugu horeysay ee lagu arkay Sucuudiga Viruskan, laguma sheegin Xanuunka MERS Somaliya”Sidaas waxa warqadiisa ku yidhi Raysal Waraasaha Somaliya oo raaciyey “Xaqiiqdii isbadal lagu sameeyo dhoofka Geela;  waxa uu sameeyn ku yeelan doona Dhaqaalaha.”

Wuxuu intaas raaciyay, “Waxa muhiim ah in la ogaado waxa sababay Viruskan, waxaanan albaabada  u furaynaa in WHO iyo Hay’addaha kale ee Caalamiga ah aanu kala shaqayno sababta keentay xanuunkaas iyo xalkiisa”.

Geela uga dhoofa Sucuudiga Gobolka Geeska Afrika ayaa  Geela  uga badan oo uga  dhoofa  Somaliland iyo Somaliya, waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraha dhaqaalaha wadamada Somaliland iyo Somaliya iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika, waxaanu sababi doonaa dhibaato dhaqaale haddii uu Sucuudigu go’aankaas qaato