Dawladda Somaliya Oo Cadaysay In Qaraxii Diyaaradda Daallo Ka Dhacay Ahaa Bam Lagu Dhex Rakibay Laptop

0
592

Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airlines, uu ahaa mid loo adeegsaday oo lagu xidhay Koombiyuutar laptop ah, kaas oo si ula kac ah loogu qarxinayay diyaaradda.

1111111111111

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliya Cali Jaamac Jengeli oo shalay gelinkii dambe dambe shirjaraa’id qabtay,ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay laptop walax lagu xidhay. “Bam lagu xidhay laptop ayuu ka dhashay qaraxii diyaaradda Daallo.” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in dad dhawr ah loo xidhay falkaas, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu xaqiijinay in waxa diyaaradda Daallo ka qarxay uu ahaa qarax bambaano, waxaana looga dan lahaa in rakaabka oo dhan lagu laayo.” Wasiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in lix ruux loo xidhay qaraxaas, kuwaas oo aanay wakaaladu xusin halka laga qabtay.

Baadhitaanka qaraxa diyaaradda Daallo, waxa ay dawladda Somaliya u dalbatay khubaro caalami ah oo ka hawlgashay baadhitaanka waxa diyaaradda ka dhex qarxay.

Koox Baarayaal ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galayo Baaritaanka socda ee lagu ogaanayo waxa sababay qarixii Talaadadii hore ka dhex dhacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines, waxaana la sheegayaa in baadhayaasha ay ka mid yihiin khubaro ka socota hay’adda maraykanka ah ee FBI-da.

Geesta kale, Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ayaa ku eedeeyey  Shirkadda Turkish Airlines inay ka gaabiyeen inay Daallo Airlines la wadaagaan Xogaha dhinaca Ammaanka ee ku aadanaa inay hakiyeen Duullimaad ay ku imaan lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in Turkish Airlines go’aansadeen inay joojiyaan Labo Duullimaad o oay ku tagi lahayd Muqdisho, taasi beddelkeedana ay Daallo Airlines ku soo wareejiyeen Rakaabkii ka baaqday Duullimaadka Turkish Airles.

Mas’uulka ugu sarreeya Maamulka Shirkadda Daallo Airlines oo isagoo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta la hadlay Wakaalladda Wararka ee AP waxa uu carrabka ku dhuftay in laaga yaabo in go’aanka Turkish Airlines u soo wareejisay Rakaabkaasi ahayd iyagoo helay Warar dhinaca Sirdoonka oo ku aadan Cabsi dhinaca Ammaanka, “Waan og nahay, waana taqaanaa, Turkish Airlines waxa heleen nooc digniin dhinaca Ammaanka, balse, aysan la wadaagin una soo gudbinin Daallo Airlines,” ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin.