Dawladda Somaliya Oo Aan Afar Bilood Wax Mushahar Ah Siinin Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dawladda Iyo Sababaha Lala Xidhiidhinayo

0
723

Picture7Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan afartii bilood ee u dambeeyay wax mushahar ah siinin ciidamada dawladda iyo shaqaalaha dawladda, iyadoo ay ciidamada dawladu wakhtigan dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab.

Afartii bilood ee sannadkan ee January ilaa bishan April, ma jiro wax mushahar ah oo ay ciidamada dawladda iyo shaqaaluhu qaateen, dawladda ayaa haddana waxa ay dhaqaale balaadhan ka heshaa beesha caalamka gaar ahaan wadamada Carabta iyo kuwa reer galbeedka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa toddobaadkan sheegay inaan la aqbali karin inay cidanka iyo shaqaaluhu aanay mushahar qaadanin afar bilood, waxaanu dwladda ka dalbaday in la cadeeyo sababta mushaharka loo bixin waayay.

Waxa mushahar la’aanta  loo tirinayaa musuqmaasuq iyo boob dhaqaale oo dawladaas ka dhex jira, iyadoo dhawr goor lagu eedeeyay in madaxweyne XAsan Sheekh iyo xukuumadiisu ay si toos ah u boobaan dhaqaalaha dalka oo aan loo maamulin si ku haboon.