Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaan ku guulaysan talaabo ay ciidamada ammaanku isku dayeen inay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan kaga horistaagto inuu goob-joog ka noqdo ka qayb galka gunaanadka shir beel uga socday magaalada Caynabo ee gobalka Saraar.
Ciidamada ayaa Xirsi iska horistaagay inuu ka qayb galo shirkaas, iyadoo ay galbinayeen taageerayaal badani kuwaas oo sabab u noqday in ciidamadu hor istaagi kari waayaan. Wasiirkii hore oo u waramay telefishanka Star Tv, ayaa qiray in laga hor istaagay shirkaas, balse wuxuu sheegay in markii dambe xaal ay ka bixiyeen dawladda iyo suldaanka guud ee beesha shirka qabsatay, “Waanu ka xumahay in dadka muwaadiniinta xuquuqda distooriga ah ee dhaqdhaqaaqa ee ay xaqa u leeyihiin lagu xad gudbo, way jirtay in lana joojiyay balse waxa markiiba ka jawaabay wasiirkii daakhiliga iyo badhasaabkii caynaba iyo sidoo kale Suldaanka guud oo ka bixiyay xaal.” ayuu yidhi wasiirkii hore ee madaxtooyadu.
Mar la weydiiyay bal cidda uu ku xidhiidhinayo falkaas, wuxuu yidhi “Anigu dhan kasta haka timaadee waxaan u arkayay arrin khaldan, xaal ayaana laga bixiyay oo maadaama oo masuuliyiintii dawladda iyo masuuliyiintii beeshii deegaanku xaal ka bixiyeen waxba imika anigu kuma daba jiro, waxaanan u arkayaa waxyaalaha qaladaadka ah ee dhacaya.”
Geesta kale, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, oo ah suldaanka guud ee beesha shirka qabsatay ayaa hadal uu ka jeediyay xidhitaankii shirkaas wuxuu ku sheegay inuu xaal ka bixinayo talaabada isku deyga ah ee lagaga hor istaagayay Xirsi inuu shirka ka qayb galo. Suldaan Cabdillaahi, ayaa idhi “Haddii la iska kaa yara hortaagay raali ahoow, waxaad gudo iyo waxaad gashaba umadda Somaliland way taqaanaa, wax badan ayaad umada Somaliland iyo dalkaba wanaag u qabatay, haddii xoogaa halkaas istabta kaaga dhacay anigaa xaal kaa siinaya, xaal qabiilaan ku siinayaa, raali ahoow. Waxaad Somaliland u qabatayna dadku waa xasuusanyahay anagana qiime weyn ayaad noogu fadhidaa, sharaf ayaanad nagu leedahay, wixii aad nagu leedahay ee nagala kaa gudboona waa kuu quminaynaa, adiguna sidaas raali ku ahoow.”
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii uu Suldaanku hadalkiisa dhammeeyay inta uu soo kacay oo uu Suldaanka gacan qaaday, wuxuu yidhi, “Suldaan waan kaa guddoomay waanad mahadsantahay.”