Baashe Oo Sheegay Inaanu Ka Tirsanayn Isbahaysiga

0
518

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo hore u  qaadacay  kana soo hor jeeday  Doorashadii Golaha Dhexe ee lagu doortay Musharaxixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye kana tirsanaa Isbahaysiga Kulmiye, ayaa hadda sheegay in aanu ka tirsanayn siyaasiyiinta isbahaysiga.

1

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo shalay ka soo laabtay Safar uu muddo saddex cisho ah uga maqnaa dalka Jabuuti, waxa uu isagoo ka jawaabaya suaal la weydiiyay uu yidhi “Waxaan ahay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, Baarlamaan ayaan ka tirsanahay kama tirsani isbahaysi, waxaan codka siinayay nin (musharax) codkiina waa uu dhamaadey”.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ayaa waxa uu ka waramay socdaalkiisa kooban ee Saddexdan cisho ah ee uu ku tagay Jabuuti, waxaanu sheegay inuu la soo kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti iyo Xildhibaano, isla markaana ay ka wada hadleen ilaaqaadka labada Wadan iyo sidii loo sii wanaajin lahaa