Dawladda Maraykanka Oo Xaqiijisay In Ciidammada Eritrea ka qayb-galeen Dagaalkii Lagu Qaaday Tigreega

0
741

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Maraykanka ayaa aamisan in Ciidammada Milletariga ee Eritrea ka tallaabeen Xuduudka Itoobiya, si ay Raysal-wasaare Abiy Axmed uga caawiyaan dagaalkii uu ku qaaday Jabhadda Gobolka Waqooyiga Itoobiya ee TPLF.

Sidaa waxa Shalay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Ilo Wareedyo ka mid ah Dawladda Maraykanka iyo illaa shan Diblumaasiyiin Goboleedyo ah.

Maraykanka ayaa in Ciidammada Eritrea ku lug leeyihiin Dagaalka ka dhanka ah TPLF u cuskanaya Sawirro lagu qaaday Dayax-gacmeed iyo Khadad Isgaadhsiineed oo la qabtay isla-markaana la tixraacay, Warar laga helay Gobolka Tigreega iyo Madaxda Jabhadda TPLF.

Masuul ka mid ah Dawladda Maraykanka oo Reuters waydiisay waxa lagu caddayn karo in Eritrea ku lug leedahay dagaalkaasi ayaa ku gaabsaday “Ma Muuqdo wax shaki ahi..” ayuu yidhi, halka Reuters-na ay intaa raacisay in Masuuliyiinta Maraykanka ee arrintan ka hadlay iyo Diblumaasiyiinta Warkooda la soo xigtay isku raacsan yihiin in Eritrea Ciidammadeedu ka qayb-qaateen dagaalka isla-markaana ku sugan yihiin Gobolka Tigreega.

Wakaaladdu waxa kale oo ay soo xigatay diblumaasi sare oo u dhashay dal aan Maraykanka ahayn, waxaanu sheegay in la rumaysan yahay in kumaan Askarta Eritrea ahi door ku leeyihiin dagaalkaasi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa sannadkii 2018 kala saxeexday heshiis nabadeed lagu soo afjaray colaad soo taagnayd 20 sanadood.

 

Geeska.net/Hargeisa Office