Dawladda Maraykanka Oo Diyaaradaheeda Rayidka Ka Mamnuucday Inay Dul Maraan Hawada Somaliya Iyo Sababta Keentay

0
559

Picture7Washington(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa diyaaradaheeda ka mamnuucday inay maraan hawada Somaliya, ka dib cabsi amni oo ay dareemeen.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan duulimaadyada ee FAA ayaa dhammaan diyaaradaha Maraykanka ka mamnuucday inay dul duulaan hawada Somaliya, taas oo ay sheegeen inay khatari ku gedaamantahay.

FAA ayaa waxay sheegtay inay talaabadan u qaaday ka dib cabsi amni oo ay dareemeen, iyadoo sheegtay in laga cabsi qabo in kooxda Al-Shabaab ay beegsan karaan diyaaradaha Maraykanka ee khadka Somaliya mara si la mid ah weerarkii ay falaagada Ukraine la beegsatay diyaaradii MH17 ee bishii Jully ee sannadkii hore la soo riday oo ay ku dhinteen 298 ruux oo saarnaa.

Hay’addan Maraykanka duulimaadyada u qaabilsani waxay intaas raacisay inay aaminsantahay in Al-Shabaab awood u leedahay inay weerarto diyaaradaha maraya hawada Somaliya.

Talaabadan uu Maraykanku qaaday ayaa layaab ku noqotay dawladda Somaliya oo uu dhawaan magaalada Muqdisho ugu yimid xoghayaha Maraykanka ee arrimaha dibadda John Kerry oo la kulmay Xasan Sheekh oo Somaliya xukuma. Inkastoo ay dadka qaar aaminsanyihiin in talaabadan uu Maraykanku qaaday aanay siyaasad la xidhiidhin, haddana waxa iska cad in dhawaaqan Maraykanku uu dhirbaaxo ku yahay dawladda Somaliya