Dawladda Kenya Oo Ka War-wareegaysa Inay Raaligeliso Somaliya

0
590

Picture1Nayrobi(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa u muuqata inay ka war-wareegayso raali gelin diblomaasiyadeed oo ay si toos ah u siiso dawladda Somaliya, oo ay dhawaan ka xidhay saacado qunsulka safaaradeeda Nayrobi.

Dawladda Somaliya ayaa u yeedhay safiirkeedii Nayrobi Mr. Maxamed Cali, waxaanu joogaa Muqdisho. Safiirku wuxuu Muqdisho ka sheegay inaan la xidhin safaaradoodii Nayrobi balse uu Muqdisho u tagay si uu uga warbixiyo falka dhacay.

Mr. Maxamed Cali, wuxuu sheegay inay dawladoodu sugayso inay Kenya u qorto raaligelin rasmi ah, “Kamaanu helin dawladda Kenya raaligelin rasmi ah. Waxa keliya ee aanu aragnay waxa weeye, wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed oo si shakhsi ah ii raaligelisay, iina sheegtay inuu khalad dhacay. Waxase aanu doonaynaa waa raaligelin qoraal ah oo rasmi ah.” Sidaas ayuu yidhi safiirka Somaliya u jooga Kenya oo wakhtigan Muqdisho jooga.

Waxa la aaminsanyahay inay dawladda Keya ka war-wareegayso inay raaligelin diblomaasiyadeed siiso dawlada Somaliya oo ay u aragto mid tamar daran oo aan dunida magac wanaagsan ku lahayn, iyadoo ay ciidamada Kenya dalka Somaliya u joogaan ilaalinta dawladda raaligelinta ka doonaysa lafteeda.

 

Dawladda Kenya oo raaf b a’an ku haysa Somalida ku sugan dalkeeda, ayaa dhawaan xabsiga dhigtay qunsulka safaaradda ay Somaliya ku leedahay Nayrobi, inkastoo uu diblomaasigu aqoonsigiisa ciidamada Kenya tusay, haddana islamarkiiba waxay u taxaabeen xabsiga.