Dawladda Kanada Oo Safiir U Magacowday Somaliya

0
558

denNayrobi(Geeska)-Dawladda Kanada ayaa safiir u magacowday dalka Somaliya, waxaanu noqonayaa safiirkii u horeeyay ee ay dawladaasi muddo labaatan sannadood ku siman u magacowdo dalkaas ay colaaduhu aafeeyeen.

Safiirka la magacaabay ayaa ah Mr. David Angell, oo muddo dheer ku soo dhex jiray badweynta diblomaasiyadda. Wasiirka arrimaha dibadda Kanada John Baird, ayaa magacaabista safiirkan ka sheegay safar uu ku yimid magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxaanu safiirkan fadhigiisu noqon doonaan magaalada Nayrobi oo uu hawlihiisa shaqo ka fulin doono inta ay xaaladda nabadgelyo u saamaxayso inuu tago Muqdisho.

Inta badan dalalka reer galbeedka ayaa Somaliya u magacaaba safiiro uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi.