Dawladda Kanada Oo Dalkeeda Ku Martiqaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Qodobka Ugu Muhiimsan Ee La Filayo Inay Kala Hadlaan

0
645

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dawladda Kanada ayaa la sheegay inay martiqaad rasmi ah u soo dirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis,  Ma jiro war rasmi ah oo ay wasaaraadda arrimaha dibadda Somaliland soo saartay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Kanada doonayso inay wasiir Biixi kala hadasho qaddiyadda laba wiil oo walaalo ah oo Hargeysa ugu xidhan kiis kufsi ah oo ay maxkamadda Hargeysa ku xukuntay inay iyaga iyo wiilal kale u gaysteen gabadh dhallinyaro ah qiyaastii sannad iyo badh ka hor. Labada wiil ee walaalaha ah ayaa haysta dhalashada dalka Kanada.

Warbaahinta Kanada ayaa si weyn uga hadashay xadhiga iyo xukunka labada wiil oo ah 10 sannadood oo xadhig ah, waxaanay qoyska wiilashani saxaafadda Kanada u sheegeen inaanay wiilashoodu gelin dambiga lagu xukumay islamarkaana aanay qaan gaadhin. Qodobkan ayaa ah qodob xaasaasi ah oo aan la garan Karin sida ay xukuumadda Somaliland u maarayn doonto marka ay dawladda Kanada ka codsato.

Sidoo kale waxa la filayaa inay dawladda Kanada wasiirka kala hadasho arrimo kale oo salka ku haya xidhiidhka labada wadank, maadaama oo ay Kanada degenyihiin jaaliyad balaadhan oo reer Somaliland ahi. Geesta kale, Wasiir Biixi ayaa socdaalkiisa Kanada ka hor wuxuu sii marayaa wadanka Maraykanka oo uu isna ku tagayo safar shaqo oo aan warar faahfaahsan weli laga haynin. Dawladda Kanada ayaa siyaabo aan toos ahayn u caawisa Somaliland, waxaanay mucaawinadeeda oo u badan arrimaha caafimaadka soo marisaa ururada caalamiga ah.