Dawladda Jarmalka Oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Dawladda Farmaajo

33
2910

Nayrobi(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso tageeradii ay siin jirtay ciidamada dawladda Soomaaliya oo ahayd taageero dhianca tababarka.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya laga saari doono bisha March ee sanadkan 5 Askari oo Tababarayaal ah, kuwaasi oo u dhashay dalkaas Jarmalka, taasi oo ka dhigan inuu soo gaba gabeynayo Howlgalkiisa Soomaaliya. “2010 ilaa sanadkan 2018 ayaan wadnay tababarka iyo taakuleeynta Ciidanka Milliteriga, hadda waxaa noo muuqaata iney wax walba ku laabteen meel fool xun sidaas darteed waan joojinay tababarkii aan wadnay” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Germany.
Warka ayaa intaas raaciyay “Ciidamda Qaranka Soomaaliya horumarkoodu si gaabis ah ayuu ku socdaa waxaan keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hay’adihii dowladda oo heerkii ku haboonaa aanu gaadhin dhismahoodu”. Waxaa sidaas Reuters u sheegay De Siegel oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka.
Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay ka mid tahay qorshe Midawga Yurub uu ku tababaro Ciidanka Xoogga kaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EUTM, Jarmalka wuxuu bilaabay Tababarkan waday ilaa sanadkii 2010-kii xilligaas oo Dawladda Soomaaliya ay dalbatay taageero dheeraad ah.
Dawladda Maraykanka ayaa dabayaaqadii sanandkii hore ee 2017 waxa ay joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidamada dawladda Somaliya ka dib markii ay sheegtay inuu jiro musuqmaasuq aanay u dul qaadan karin.
Dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo weli kamay hadal talaabadan dawladda Jarmalka, waxase ay talaabadani dhaawac ku tahay siyaasadda Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maadaama oo uu Jarmalku noqday dawladii labaad ee talaabadan qaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here