Dawladda Itoobiya Oo Si Kooban Uga Hadashay Saamiga Laga Siiyay Dekedda Berbera

0
561

Addis Ababa(Geeska/VOA)-Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay si rasmi ah uga hadashay saamiga laga siiyay dekedda Berbera ee 19% ah iyo weliba xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Mr. Meles Alem oo Arbacadii u waramay laanta Amxaariga ee idaacadda VOA, ayaa sheegay inuu Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyo xidhiidh adagi islamarkaana ay Itoobiya doonayso isticmaalka dekedda Berbera, kana qayb qaadanayso balaadhinteeda iyo casriyaynteeda.

Afhayeenka oo la weydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo doonista Itoobiya ee dekedda Berbera, wuxuu yidhi “Itoobiya iyo Somaliland xidhiidh muddo dheer jiray ayay leeyihiin. Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka, ganacsiga, tacliinta iyo caafimaadka, waxaana jira horumar badan oo ka dhexeeya. Itoobiya waxay doonaysaa inay isticmaasho dekedda Berbera, intaas oo dhan waxa uu raysalwasaaraha Itoobiya u cadeeyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo markii uu Addis Ababa yimid. Itoobiya waxay doonaysaa inay isticmaasho dekedaha gobalka oo dhan sida Djibouti, Mombasa, Berbera iyo Suudaan. Markaas Itoobiya way doonaysaa dekedda Berbera.”

Afhayeenka oo la weydiiyay inuu xog ka bixiyo wararka sheegaya in Itoobiya dekedda Berbera laga siiyay 19% iyo haddii ay jirtaba lacagta ay ku iibsanayso saamigaas dekedda Berbera, wuxuu sheegay inuu arrintaas ka hadli doono marka wakhtigeeda la gaadho, “Warkaas aad I weydiisay waa bilow, marka wakhtigiisa la gaadho ayaan ka hadli doonaa. “

Afhayeenku, waxa kale oo uu ka hadlay xafiiska ay Somaliland ku leedahay Addis Ababa oo uu sheegay inuu yahay xafiis diblomaasiyadeed oo xidhiidhiya labada shacab iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya, isagoo xusay inay Itoobiyana xafiis sidan  oo kale ah ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.