Dawladda Itoobiya Oo Cadaysay Inay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Raysalwasaare Hailemariam Ku Heshiiyeen Furitaanka Xuduudka Labada Wadan

0
616

Picture7Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay cadaysay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ay ku heshiiyeen in dib loo furo xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo muddo xidhan.

Barnaamijka toddobaadlaha ah ee Week in the Horn oo ay wasaaradda khaarajiga Itoobiya jimce walba ku falanaqyaso siyaasadaha gobalka iyo dunida, ayaa waxay toddobaadkan kaga hadashay kulankii toddobaadkii hore dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaare Hailemarim, “Raysalwasaare Hailameriam wuxuu dabayaaqadii toddobaadkan wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sii jeeday London.” Ayay tidhi wasaaradu, waxaanay intaas raaciyay, “Wada hadalada waxa diirada lagu saaray amniga, ganacsiga iyo wada hadalka Somailland iyo Somaliya.”Wasaaraddu iyadoo ka sii hadlaysa qodobada ay isku raaceen labada hoggaamiye, waxay tidhi, “Waxay isku raaceen in dib loo furo xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo toddobaadyo u xidhnaa arrimo nabadgelyo.”

Waa markii u horaysay ee ay dawladda Itoobiya cadayso inay labada hoggaamiye isku afgarteen kulankoodii toddobaadkii hore in dib loo furo xuduudka labada wadan, iyadoo ay dawladda Somaliland hore u cadaysay in qodobkan ay labada masuul isku afgarteen. Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa muddo u xidhnaa arrimo nabadgelyo.