Dawladda Ingiriiska Oo Taageeraysa Wada Hadal Dhex Mara Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
388

Hargeysa(Geeska)-Adduunyada kale waxa ay u taqaannaa dal 1960 kii jiray oo shan maalmood oo keliya madaxbannaanidiisa haystay.

Dadka ku noolina waxa ay u yaqaannaan dawlad madaxbannaan, dimuqraaddi ah oo tan iyo sannadkii 1991 kii shaqaynaysay, oo dimuqraaddi ah”

 

Waxaa ereyadaas lagu bilaabay warbixin ay 21 kii jeenaweri faafisay shabakadda Wales Online oo laga leeyahay dalka Ingiriisku, waxa aanay intaas ku sii dartay.

Waxaa laga yaabaa in ay arrintani waxoogaa jaahwareer ah abuurto, laakiin runtu waxa ay tahay in ay ka turjumayso, kala duwanaan sharci ee u dhexeysa dunida diblumaasiyadda iyo sida ay dunidu dhab ahaan tahay.

Illaa la soo gaadhayey 1960 kii Somaliland waxa ay ahayd maxmiyad Ingiriis, oo dadka deggen lagu qiyaasay in ay le’ekaayeen dadka gobalka Waylis ee dalka Ingiriiska.

Xidhiidh adag oo illaa qarnigii 19 naad soo taxnaa ayaana ka dhaxeeyey labada dal, Waa Somaliland iyo Wales ee.

Xidhiidhkani waxa uu bilowday xilligii magaalada dekedda leh ee Cardiff ay ka mid ahayd dunida meelaha dhuxusha ugu badan laga dhoofiyo, badmaaxyada Soomaalida ah ayaa ka mid ahaa shaqaalaha maraakiibtii Ingiriiska ee dhuxusha ka raraysay Wales.

Markii dalalkii uu Ingiriisku gumaysanayey ay gobannimada qaadanayeen, ayaa dadka Somaliland ay u codeeyeen in ay la midoobaan dalkii ay deriska ahaayeen ee Soomaaliya oo ka dhul ballaadhnaa. Somalia markaas ayey iyaduna xorriyaddeeda ka qaadanaysay gumaystihii Talyaaniga.

Israacii labada dal waxa uu dhacay markii Soomaaliya ku guulaysatay xorriyadda oo ay Somaliland shan maalmood oo keliya jirtay.

Laakiin Somaliland waxa ay qoomamaysay ku darsigii koonfurta. Gaar ahaan intii uu jiray keli taliskii Siyaad Barre.

Markii Siyaad Barre xukunka lagaga tuuray kacdoon hubaysnaa oo dhacay 1991 kii, Somaliland waxa ay dib u yagleeshay dal u gaar ah oo madax bannaan.

Halka ay Soomaaliya ka noqotay qaran fashilmay, oo la daalaa dhacaya islaamiyiin xagjir ah iyo budhcad badeed.

Somaliland waxa ay noqotay shamaca xasiloonida oo ka dhex baxaya qaarada Afrika ee ay ku badan yihiin nidaamyo aan si fiican u shaqaynin.

Somaliland madaxweynaha hadda xilka hayaa waa kii shanaad ee is xiga oo doorasho ku yimaadda tan iyo sannadkii 1992 kii, mar kasta oo uu isbeddel imanayana si nabadoon ayaa uu kala guurku u dhacaa.

Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana Soomaaliya waxa ay haysataa aqoonsi caalami ah, halka Somaliland aanay rasmi ahaan wax jira ahayn.

Shabakaddan Wales online oo la mataano ah wargeysyada Western Mail iyo South Wales Echo, ayaa arrinta Somaliland wax ka weydiisay Iid Cali Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool Wales, kaas oo la taliye u ah dawladda Somaliland, waxa kale oo ay soo xigatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Iid Cali Axmed xirfaddiisu waa maamulka bangiyada, waxa aanu mar ahaa agaasime ku xigeenka hay’adda qaxoontiga ee Welsh.

Iid waxa uu shabakadda Wales u sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad fara badan, dadkeeduna aad ugu fiican yihiin maalgashiga ganacsiga. Ayaa ay tidhi warbixintu.

Dhinaca kale waxa ay warbixintu waxa ay sheegtay in Somaliland ay leedahay khayraad kalluun oo ballaadhan, laakiin arrinta xanuunka ku haysaa ay tahay aqoonsi la’aanta, iyo talooyinka safarka ee ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka ee Ingiriiska oo marka ay dadkeeda uga digayso u safridda meelaha khatarta ah, ay Somailand ku darta Soomaaliya oo booqashadeedu ay khatar tahay.

Warbixinta oo eegaysa aragtida dawladda Ingiriiska ee madaxbannaanida Somaliland ayaa haweenay afhayeen u ah wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ka soo xigatay, hadalkan

“Waxa aanu aaminsannahay, inay dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland u taallo in ay wadajir heshiis uga gaadhaan mustaqbalkooda.

Waxa aanu sii wadi doonnaa in aanu labada dhinacba ku dhiirrigelinno in ay yeeshaan wada xaajood nidaamsan oo joogto ah”

Warbixintu waxa ay mar kale soo xigatay qoraal ay dawladda Ingiriisku arrintan ka samaysay oo ay ku tidhi, “Sidan ayaa uu weligiiba ahaa Mawqifkayaga ku aaddan Somaliland. Waana aanu sii wadaynaa in aanu taageerno oo aanu dhiirrigelinno qorshaha ah in wada xaajood dhex mara madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Muuse Biixi.”

Warbixintu waxa ay sheegtay in wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriisku uu bishii Oktoobar mar uu Hargeysa joogay si cad u sheegay in Ingiriisku uu danaynayo in uu xidhiidh diirran oo taariikhi ah la yeesho Somaliland, isla markaana uu ka shaqaynayo in uu taageero barwaaqada iyo ammaanka Soomaalida ku dhaqan gobalka oo ay Somaliland na ku jirto.

Ugu dambayn waxa ay warbixinta shabakadda Wales online sheegtay in Ingiriisku uu Somaliland ka caawiyo arrimo ay ka mid yihiin, xoojinta tayada iyo awoodda dawladnimo, ee meelaha aasaasiga ah, sida maamulka lacagta dawladda, iyo kor u qaadista dhaqaalaha dadka. Waxa kale oo uu Ingiriisku Somaliland ka caawiyaa tababarka dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka, si loo xoojiyo adeegga caafimaad, waxa aanu gargaar siiyaa dadka aad u baahan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.