Dawladda Ingiriiska Oo Si Culus Indhaha Ugu Haysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo 60 Goob-Jooge Oo Ay Soo Dirayso

0
636

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale cadaysay inay maalgelisay lixdan goob-jooge caalami ah oo kormeeraya doorashada madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo doorashada ka hor dalka iman doona.

Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirul dawlaha ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Rory Stewart, waxay weydiisay bal in dawlada Ingiriisku Somaliland u dirayso goob-joogayaal soo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Rory Stewart, ayaa su’aashaa kaga jawaabay “Ingiriisku wuxuu lacag dhan £202,017 ku bixinayaa 60-gooobjooge caalami ah oo xoog badan oo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland ee dib u dhacday ee hadda qorshaysan 13 November. Ka dib qandaraas lagu tartamay, goob-joogayaasha kormeeraya doorashada waxa hoggaamin doonta Jaamacadda la yidhaahdo University College London.

Geesta kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaguna la filayaa inay goob-joog ka noqdaan doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaanay arrimahani muujinayaan sida ay dawladda Ingiriisku indhaha si gaar ah ugu hayso doorashada madaxtooyada Somaliland oo loo dareeri doono 13 November 2017.